Ciidamada dalka Eritrea oo ogolaaday inay ka baxaan gobolka TIGRAY – Abiy

Addis Ababa (Caasimada Online) – Eritrea ayaa ciidamadeeda kala bixi doonta gobolka waqooyi ee Ethiopia ee Tigray, waxaa sidaas maanta shaaciyey ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. 

Shaac ka qaadistan ayaa timid ayada oo Abiy uu wajahayo cadaadis sii xoogeysanaya oo ku saabsan inuu soo geba-gebeeyo dagaalka Tigray, oo ciidamada labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea lagu eedeeyey inay ka gaysteen xadgudubyo ay ka mid yihiin dil wadareedyo iyo kufsi.

Addis Ababa iyo Asmara ayaa muddo beeninayey in ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin gobolka Tigray, ayaga oo ka hor-imanaya caddeymo xooggan oo laga haleyo dadka deegaanka iyo diblomaasiyiinta, iyo xitaa qaar ka mid ah shacabka iyo militariga Ethiopia. 

Abiy ayaa ugu dambeyn qirtay kaalinta Eritrea ee dagaalka kadib khudbad uu Talaadadii u jeediyey baarlamanka, wuxuuna kadib Khamiistii u duulay Asmara, si uu ula kulmo kaligii taliyaha dalkaas Isaias Afwerki.

“Intii lagu guda jiray booqashadeeda, dowladda Eritrea waxay ogolaatay inay ciidamadeeda kala baxdo xuduudda Ethiopia,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan maanta lagu daabacay twitter-kiisa.

“Ciidamada Difaaca Qaranka Ethiopia ayaa la wareegi doona ilaalinta aagga xuduudda, laga billaabo iminka,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel oo ay xiriir la sameysay wakaaladda wararka AFP ayaan ka jawaabin codsigii loo diray ee ku aaadanaa inuu ka hadlo arrintan.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa ku eedeeyey ciidamada Ethiopia dilka boqolaal shacab oo Tigray ah, bishii November, markaasi oo xasuuq uu ka dhacay magaalada Axum. 

Isha: AFP