25 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Warbixin: SOMALIA oo 25 sano kaddib la timid qorshe qaran.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay yeelaneyso qorshe qaran xili Somalia ay dhowr sano ku jirtay kala danbeyn iyo burbur aafeeyay hanaanka Dowladnimo.

Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorshaynta, ayaa sheegay in xiligaani ay ku taamayaan inay la imaadaan dadaalo muujin kara in Somalia ay ka talaabto qorsho la’aanta una talaabto qorsho qaran ku dhawaad 25-sano kadib oo burbur ah.

Cabdulaahi Sheekh waxa uu sheegay in qorshahaani Qaran ay iminka marayaan heer gabogabo islamarkaana uu noqon doono mid Somalia u fura dhabaha Qaranka.

Isaga oo hadalkiisa sii wata Cabdulaahi Sheekh ayuu sheegay in dhaqaalahii dowlada Somalia loogu yaboohay ee New Deal lagu bixiyay meel aysan dowladda Somalia ogayn taasi oo qayb ka ah qorsha la’aanta qaran ee dalka ka jirta.

Qorshaha hadda socda ayuu sheegay inuu xakameyn doono dhammaan qorshooyinka Qaranka, waxa uuna meesha ka saaray in dadaalkooda uu yahay mid waxkama jiraan ah.

Wasiir Qaloocow ayaa waxa uu sheegay in boqolkiiba toddobaatan aysan Somalia soo gaarin lacagtii loogu yaboohay ee qeybta ka ahayd barnaamijka New Deal, balse ay wadaan qorshooyin xal looga gaari karo dhaqaalahaasi maqan.

Dhanka kale, Cabdulaahi Sheekh waxa uu cadeeyay in qorshaha qaran uu soo afjari doono dhaqaalaha Somalia loogu talagalay ee meelaha kale la marsiiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News