28.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Xog: Askartii laga xiray Amisom oo wajahaya 2 ciqaab oo adag

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, ahna madaxa Hawl-galka ciidamada AMISOM, danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa si carro leh uga hadlay Musuqa lagu helay 5-ta Askari ee ka tirsaneyd AMISOM.

Francisco Caetano, waxa uu sheegay in Askartaasi ay fadeexad usoo jiiden Taliska AMISOM, waxa uuna sheegay in la marin doono laba ciqaab oo ay muteysan doonaan.

Ciqaabta koowaad ayuu sheegay inay ku qaadan doonaan gudaha Somalia, halka ciqaabta kale ay ku qaadan doonaan dalalka ay kasoo kala jeedan, isaga oo cadeeyay in ciqaabtaasi kadib laga eryin doono shaqada ay u hayeen AMISOM iyo tan dalalkooda.

Francisco Caetano waxa uu tilmaamay in sharciga la marin doono Askartaasi uu noqon doono xeer ciqaabeedka AMISOM, waxa uuna cadeeyay in falka lagu helay uu waxbadan u dhimi karo dadaalka ciidamada AMISOM ay kawadaan Somalia.

“Waxa ay hoos u dhigeen sumcadeena waxa ayna talaabadaasi horseedi kartaa in mar waliba AMISOM lagu eedeeyo falal kale oo aysan ku kicin waayo tan ayaa wax waliba cadeyn u noqon karta”.

Francisco Caetano, waxa uu ballan qaaday in 5-ta Askari ee falka Musuq lagu helay ay guran doonaan miro qaraaran oo uu ula jeedo sharciga.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in arrintaani ay sabab u tahay dhaqaala yarida heysata Taliska AMISOM, taasi oo soo dadajisay in ciidamada ay iibsadaan agabkooda si ay u helaan lacago yar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News