Wareysi: Aadan Madoobe oo shaaciyay tallaabada koowaad ee ay qaadayan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa shaaciyay in tallaabada u horeysay ee qaadayaan ay tahay inay sida ugu dhaqsaha badan loo soo doorto madaxweynaha.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in waxkasta ay ka hor-marin doonaan dhameystirka dowladnimada, kadibna uu dib u hagaajin ku sameyn doono baarlamaanka.

“Waxaa kow inoo ah in deg deg u qabano doorashada Madaxweynaha, waxyaalo badan oo muhiim ah oo u baahan yahay Baarlamaanka waxaa ka horeysiin doona in dalka uu yeesho Madaxweyne, si dalku u noqdo dal dowladnimadiisa dhameystiran tahay oo madaxweynihiina uu Ra’iisul Wasaare soo magacaabo oo asagana uu xukuumadii soo dhiso,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Baarlamaanka laftigiisa u baahan yahay dhisid iyo shaqo badan, hase yeeshe ay taas ka horeysiin doona doorashada madaxweynaha, kadibna ay dib u habeyn ku sameyn doonaan baarlamaanka.

“Baarlamaanka dhisid ayuu u baahan oo in guddiyadiisa la dhiso, shaqo badan ayuu u baahan yahay oo xeer hoosaadkiisa dib loo fiiriyo, waxyaabo badan ayuu u baahan yahay Baarlamaanka.”

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntiina sheegay in Baarlamaanka uu door muhiim ah ka ciyaari doono isku keenida dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo sanadihii dambe si weyn usii kala fogaadaay qaarkood.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maalintii shalay aheyd si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib markii 27-kii bishan April loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka.