Agaasimaha Hay’adda Duulista oo shaaciyay sida uu u dhacay shilkii diyaaradda Jubba Airway – Wareysis

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan ayaa ka hadlay shilkii diyaaradeed ee maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku burburtay diyaarad siday dad shacab ah.

Maareeye Axmed ayaa sheegay inay si guul ah ugu dhamaatay badbaadada dadkii rakaabka ahaa ee saarna diyaarada oo tiradoodu dhameyd 36 qof, kadib markii ay shilka ku gashay garoonka.

“Meesha uu Runway-ga ka bilaabanayo ayey ku dhacday markii ay daganeysay, Rakaabka wax dhibaato ah masoo gaadhin wax aan shook aheyn. Dadkii gurmadka deg-dega ah iyo Ambulance-yada ayaa u gurmaday,” ayuu yiri Mareeyaha oo u waramay VOA-da.

“Meesha uu dagashada kasoo bilaabay Pilote-ka ayaa ugu wacneyd inay rogmato diyaaradu, markii uu soo daganayay wax calaamad ah oo khatar muujinaya ma jirin, waxaana la siiyay dagashada dayuurad caadi ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in cilada ay shilka ku gashay diyaarada aysan aheyn mid hore loo sii oga, isaga oo xusay inay bilaabeen baaritaan ku aadan arrintaan, islamarkaana uu hadda garoonka si caadi ah u shaqeynayo.

“Hal saac iyo bar ayuu xirna garoonka, dayuuradihii badankooda waxa ku leexinay Baydhabo oo Runway-geedu Laami yahay, kuwii aan dagan karina waxa ku hayn hawada, guud ahaan garoonka aad ayuu mashquul u yahay. Dhaq-dhaqaaqa maalinkii ee garoonka waxa uu gaadhaya 150 illaa 180 dayuuradood, halka habeenkii aysan sii badneyn.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Diyaaradda shilka gashay ayaa waxa ay u kireysneyd shirkadda Jubba Airways, waxayna ka diiwaan-gashan tahay dalka Kenya.

Diyaaraddan ayaa sumaddeedu tahay 5Y-JXN, oo waxay duulimaadkeedii saaka rakaab kasoo qaaday oo kasoo kacday magaalada Baydhaba, ayada oo cillad la kulantay waxyar kahor intii aysan soo degin garoonka diyaaradaha, taasi oo uu ka dhashay dab xoogan oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, balse burburiyey diyaaradda.

Hoos ka dhageyso wareysiga