Jabhada Tigrayga oo qaaday tallaabo lama filaan oo la xiriirta DAGAALKA Itoobiya

Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda Tigrayga ayaa si lama filaan ah ugu dhowaaqday inay diyaarisay guddi wadaxaajood la fura dowladda Ethiopia, sidaasina waxaa wakaaladda wararka AFP u xaqiijiyay afhayeenka TPLF, iyadoo ay tallaabadani ku soo aadeyso 20 bilood ka dib markii uu dagaalku ka bilowday gobolka waqooyiga dalkaasi.

Hadalkan ayaa imanaya toddobaad kadib markii dowladda Ethiopia ay ku dhawaaqday guddi ka baaraandega suurtogalnimada wadahadallo nabadeed oo lala galo TPLF.

Laakin waxaa ay caqabadi ka taagneyd go’aan uu xisbiga Barwaaqo ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku adkeystay in wadaxaajood kasta ay hoggaamin karaan Midowga Afrika, iyadoo tallaabadaasi ay jabhaddu diiday.

TPLF ayaa walaac ka muujisay “u dhawaanshaha” ergeyga AU-da horeyna u soo noqday madaxweynaha Nigeria, Olusegun Obasanjo, ee Abiy, waxayna sheegtay in ay doonayso in wadahadal kasta oo labada dhinac ay yeeshaan uu garwadeen ka noqdo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

“Waxa aan diyaar u noqoneynaa in aan wafdi u dirno Nairobi, aanna dhsino guddi ay xubno ka yihiin madax sare,” ayuu AFP u sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah.

“Waxa ay noqoneysaa mas’uuliyad-darro weyn in aan AU-da u xilsaarno dhammaan hannaanka wadahadalka,” ayuu yiri isaga oo intaa ku daray in wadahadal kasta uu qeyb ka noqdo Kenyatta kaasi oo kaalin wax ku ool ah ka ciyaaray dadaallada nabadeynta.

Guddiga dowladda ayaa waxaa madax u ah ra’iisulwasaare ku-xigeenka Demeke Mekonen, sidoo kalana ah wasiirka arrimaha dibadda.

AFP + VOA