Daawo muuqaal laga duubay askari jir-dilaya weriyaal ka howl-gala MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan booliska Soomaaliya, kana mid ahaa ilaalada guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Wadajir ayaa maanta jir-dil u geystay laba Weriye oo ka tirsan warbaahinta Arlaadi Media oo ku hadasha lahjada Mayga.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyey muuqaalka labadaan weriye oo askarigu si toos ah u jir dilayo, xilli ay warbixin ka diyaarinayeen wadada laamiga ah ee marta xaafada Ceelqalow ee degmada Wadajir, halkaas oo ay fariisteen biyo jaray dhamaan isku socodka Wadajir iyo degmooyinka kale ee Muqdisho.

Jir dilka kadib, Weriye Maxamed Nuur Faransa iyo Cameraman Munasar Cabdiraxmaan ayaa lagu xiray saldhigga degmada Wadajir, iyadoo qalabkii ay ku shaqeynayeena laga burburiyey, lagana qaatay.

Maamulka Warbaahinta Arlaadi iyo qaar ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa si adag uga hadlay falka uu weriyaasha kula kacay askarigaas ka tirsan booliska, sidoo kalena la shaqeeya maamulka degmada Wadajir.

Sidoo kale afhayeenka booliska Soomaaliya oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa la weydiiyey waxa uu boolisku kala socdo falkaas jir-dilka ah, isagoo sheegay in baaritaanka kiiskaas uu socdo.

Wuxuu sheegay inuu la xariiray maamulka warbaahinta ay ka howlgalayeen weriyaashaas ee Arlaadi, isla markaana aysan ka boolis ahaan ogolaa doonin in la dhibaateeyo qof ku jira shaqadiisa.

Hoos ka daawo sida ay wax u dhaceen