Xog is-dhaafsi: Dalalka Reer Galbeedka oo golaaday arrin ay sanado ka diidanaayeen DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya waxay ka caagtay is-dhaafsiga golaha sirdoon ee dalalka gobolka iyo midka caalamiga ah.

Dalalka Reer Galbeedka oo ay ciidamada kala duwan ka joogaan Soomaaliya iyo gobolka Bariga Afrika ayaa dhowr tallaabo dib uga dagay inay xogaha halista ah la wadaagaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya (NISA).

Sababta ugu weyn oo ay reer galbeedka u diideen inay xogaha sirdoon la wadaagaan hay’adda sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya waa isku milanka la sheegay inuu dhex maray hoggaankii sare ee hay’adda iyo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, dowlad carbeed oo gacan xoog leh ku dhex yeelatay sirdoonka Soomaaliya ayaa dib u riixday dalalka dariska ah sida xilli hore la daabacay.

Xogta ka sokow xaaladaha qaar waxay gaareen in madaxdii hay’adda NISA lala socdo dhaq-dhaqaaqooda gudaha xirada Xalane ama in laga doodo in qaarkood lagu daro liiska madow, sida ay waqtigaasi xaqiijiyeen ilo sirdoon.

Maamulkii madaxweyne Farmaajo wuxuu dhowr jeer isku dayey inuu dalalka Reer Galbeedka ku qanciyo xog is weydaarsi laakiin waxaa la xaqiijiyey inay reer galbeedka arrintaasi ka cudur-daarteen.

Waqtiyo kala duwan oo Farmaajo loo soo jeediyey inuu isbadal ku sameeyo hoggaanka hay’adda sirdoonka si dib loogu helo wada-shaqeyntii caalamiga aheyd iyo middii gobolka waa ku dhiiran waayey Farmaajo, maadaama xilligaasi uu hay’adda madax ka ahaa Fahad Yaasiin kaasoo dhinaca kale uu Farmaajo aaminsanaa inuu u sahli karo inuu mar labaad madaxweyne noqdo.

Dhowrkii bilood ee u dambeysay xukunkii madaxweyne Farmaajo hay’adda sirdoonka ee Soomaaliya waxay u muuqatay mid si weyn hoos ugu dhacday kadib markii Farmaajo iyo Rooble isku qabsadeen cidda hoggaamineysa hay’adda.

Wixii ka dambeeyey 15-kii May ee sanadkaan jawi cusub ayaa u bilowday dhammaan daneeyaasha Soomaaliya, maalmo kadibna tallaabadii ugu horeysay oo uu madaxweyne Xasan Sheekh u qaaday dhanka isbadalka wuxuu hoggaan cusub ugu magacaabay hey’adda NISA, taasoo marxlad caadi ah oo la fahmi karo kusoo celisay hay’adaan oo muddo hoggaan la’aan aheyd.

Nidaamka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa mid ahmiyad siinaya wada-shaqeynta gudaha iyo midda caalamiga ah ee dhanka amniga, sida caadiga ah dal walba hay’adiisu sirdoonku waxay leedahay aragti gudaha ah iyo mid dibadda ah.

“Ma jiro sirdoon shaqeyn kara iskaashi la’aan. In la waayo wada-shaqeyntii gobolka iyo middii caalmiga aheyd dhowrkii sano ee tagtay dhaawac weyn ayey ku keentay hay’adda,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah sirdoonka Soomaaliya.

“Ma sahlana in dunida kugu tiraahdo xog laguma aamini karo ama in lagugu tuhmo inaad cilaaqaad lala leedahay ciddii la beegsanayey, laakiin hadda kalsooni cusub iyo dhiiranaan caalamka iyo gobolka ah oo hay’adaan lagu qabo ayaa muuqata, waxaana aaminsanahay inay keeni karto natiijo wax ku ool ah,” ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalkaan oo diiday in magaciisa la adeegsado.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inuu safar ku tagay dalka Kenya kadib markii labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo iskaashigii xagga amniga ee labada dal.

Dalalka gobolka waxay ka didsanaayeen dowlad carbeed oo fursad u heshay inay kor ka maamusho sirdoonkii Soomaaliya ayey xilli hore sheegeen saraakiishii sababeysay waxa  dalalka gobolka uga beyreen wada-shaqeyntii laamaha amniga ee Soomaaliya.

Dadka ka faalooda arrimaha amniga waxay sheegayaan inay muhiim u tahay Soomaaliya dib u hagaajinta iskaashiga amni iyo xog is dhaafsiga dalalka gobolka iyo kuwa reer galbeedka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhowr jeer sheegay tan iyo markii dib loo doortay in la bilaabi doono dagaal dalka looga saarayo Al-Shabaab, si dagaalkaas uu natiijo u dhalana Soomaaliya waxay ku qasban tahay inay garab amni ka hesho dalalka saaxiibada la ah, waana sababta ugu weyn oo uu madaxweyne Xasan Shiikh ahmiyadda u siinayo dib u hagaajinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta amniga ee dalalka reer galbeedka iyo kuwa gobolka ayey leeyihiin falanqeeyaashu.