Feysal Cali Waraabe “Maadaama ay USA aqoonsatay Dowladda Somalia, Maamulka Somaliland wuu fashilmay”

Hargeysa (Caasimada Online) Hoggaamiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay aqoonsiga dowladda Maraykanka ay siiyay dowladda Soomaaliya markii ugu horreysay muddo ka badan 20-sano.

Isagoo la hadlaayay caawa BBC-da ayuu Feysal Cali wuxuu yiri “ Arrintaas waxa ay dhabar jab xooggan ku tahay maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo”

Wuxuu kaloo sheegay in arrintaas ay wiiqeyso dedaalka maamulka Somaliland uu ku raadinaayo aqoonsi in ay yihiin dal madaxbanaan oo ka ga’ay Soomaaliya inteeda kale.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa waxaa kaloo uu sheegay in maamulka hadda jiray uu ku fashilmay siyaasadda dhinaca dibedda, loona baahan yahay in la qabto kulan looga hadlaayo badbaadinta Somaliland.

Wuxuu kaloo Feysal Waraabe tilmaamay in wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar uu isaga uun noqday nin wax-walba  sameeya oo xittaa wax yaabaha uu oranayo uusan kala tashan xukuumadda isakaa dad waynaha reer Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Feysal Cali Wareebe ayaa ku soo beegmaya iyadoo khamiistii lasoo dhaafay dowladda Maraykanka ay si rasmi ah u shaacisay in aqoonsantay dowladda Soomaaliya isla markaana Soomaaliya ay tahay dal mideesan.

Waxa kaloo xukuumada Washington daaha ka qaaday in uu dhammaaday siyaasadda labo geesoodka ee Dual Policy taasoo ahayd in dowladda Soomaaliya gooni loola tacaamulo maamulada dalka ka jirana si gooni ah loo wajaho.

Somaliland oo horrey u ahaa gobalada waqooyi ee Soomaaliya ayaa sannadkii 1991-dii shir ka dhacay Boorame waxa ay ku dhawaaqeen in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale, isla markaana ay ku dhawaaqeen maamul iskiis u taagan, wixii xilligaasna waxa ay raadinayeen aqoonsi caalami, laakin weli ma helin.

Dowladdii ugu dambeeyay ee ku-meel-gaarka ayaa wadahadalkii ugu horreyay ay la furtay kaddib shir labada dhinac loogu qabtay London.

Maamulka Somaliland wuxuu sheegay in aqoonsiga uu siiyay dowladda Soomaaliya asyan wax saamen ah ku keeni dooni gooni isku taaga ay ku dhawaaqeen.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Feysal siiyay BBC

 

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Hargeysa