Wareysi: Gaas oo ka hadlay ra’iisul wasaaraha ay tahay inuu soo xulo Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee laga rabo in uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha cusub lagu xusho labo arrin oo kala ah; In uu qaban karo shaqada loo igmanayo iyo in uu si wanaagsan ula shaqeyn karo madaxweyne Xasan.

“Madaxweynaha cusub wax badan waa ogayahy oo dalkaan afar sano iyo xooga ayuu soo maamulayay, marka uu ogyahay jihada uu rabo in dalka uu u jeediyo. Waxaa loo baahan yahay Ra’iisul Wasaare shaqeyn kara oo wadanka meesha uu jooga ka qaada oo meesha uu istihaalo geeya, isagana la shaqeyn kara,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku dooday inaysan muhiimad gaar ah laheyn deegaanka uu kasoo jeedo qofka loo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha, xili saami-qeybsiga xilalka dalkeen uu yahay hab beeleed.

“Xasan hadda khibrada waa u leeyahay dadka uu soo xushay waxay isku maan-dhaafeen, marka waa in uu soo magacaabo qof uu ogyahay in shaqo uu la qaban karo oo is-fahamsan yihiin.”

“Ra’iisul Wasaaraha la magacaabayo waxa u muhiimsan ee horyaalla waa amniga iyo socodsiinta howlaha kale ee horyaalla ee kamid yihiin dhameystirka Dastuurka, hab federaalka iyo arrimaha siyaasada ee dalka.”

Cabdiweli Gaas ayaa ugu dambeyntiina kula taliyay madaxweyne Xasan in uu si aad ah uga fiirsado shaqsiga uu xilka Ra’iisul Wasaaraha usoo magacaabay, si aysan caqabad ugu noqon geedi socodka horumarka dalka.

Hoos ka dhageyso wareysiga Gaas