Wareysi: Naciima Qorane “Soomaalinimo wax ka hooseya aniga ima qanciso”

Hargeysa (Caasimada Online) – Naciima Abwaan Qorane markii la soo Daayey waxaa loo dhegtaagayey marka ugu horaysa ee ay hadasho qaabka ay aragtideeda u cabiri doonto, had iyo jeerna dadka aan aragtidoodu cagaha adag ku taagnayn marka la cadaadiyo way ka tanaasulaan fikirkooda, markaasay hadalo kii qaladka kula kacay warbaahinta horteeda ka ammaanaya ka jeediyaan, oo ay yidhaahdaan hebel cafiskiisa waa uu ku mahadsan yahay.

Naciima oo warasigay bixisay ee ugu horeeyey ku tilmaamtay xadhigeedii in uu ahaa sharci daro, isla markaana u mahadcelisay dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo dadkii ka Qayb qaatay soo deynta teeda , waxayna sheegtay Soomaalinnimo wax ka hooseeyaa in aanay qancin.

Waxay sheegtay in aanay wax dhib ah u qabin kuwa ka soo horjeeda ee mucaaradka ku ah oo ay u mahadcelisay ayna ku tilmaamtay taageerayaasha dadban, run ahaantiina kii ka shaqeeyey in la xidho Naciima iyo kii ku taageerayba si dad-ban ayey uga shaqeeyeen kor u qaadista sharafta iyo sumcada Naciima. Naciima waxay Xabsiga ka soo baxday Iyada oo adduunka laga yaqaano oo saxaafadda caalamku wax ka qoreen, iyada oo sharaf dheeraad ah iyo taageeraba ka kasbatay gayiga Soomaali degto iyo Meel Kasta oo ay ku nool yihiin.

Aqoonyahankii iyo waxgaradkii ka aamusay xadhigii Naciima ee Sida Gorayada Dhuuntay kuwaasna waa in ay damiirkooda dib ugu noqdaan.