Wareysi: Xildhibaan Samraa oo wax kama jiraan ku qeexday dhacdadii loo tiriyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir kuxigeenka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Somalia Samra Ibraahim Cumar ayaa gabi ahaanba beenisay dil la sheegay iney shalay ciidankeedu u geysteen dad shacab ah oo ku banaanbaxaayay Muqdisho.

Samra oo sidoo kale ah xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa sheegtay iney Villa Somalia joogtay xiliga banaanbaxa.

Wareysi kooban oo uu qadka teleefoonka kula yeelaay weriye Cabdullaahi Cusmaan Faarax, ayaa u dhacay sidaan.

Caasimada Online: Waxaa laguugu eedeeyay Samra iney ciidankaadu dil bareer ah ka geysteen Muqdisho shalay ,maxaa ka jira arinkaas ?

Samraa: Waxba kama jiraan,markii aan immid gureyga ayaan maqlay arinkaas aadbaana ula yaabay eedeyntaas qaawan.

Caasimada Online: oo waxaaba la sheegay inaad gaari qooqan ah wadatay ,ciidankaadii iyo adiguna aad isku deydeen inaad baxsataan dilka kadib laakiin askarta Xasilintu idin qabteen kadibna la xiray istaafkaadii.

Samraa: Anigu maba lihi gaari Qooqan ah, gaarigeygu waa mid yar oo dadan, Askar 2 wiil umbaan wataa iyagiina xiligaan aan kula hadlaayo guriga ayey jiifaan.

Caasimada Online: Shalay masoo martay goobta ay mashaqadu ka dhacday xiligii ay doontaba ha noqotee ?

Samraa: Waxaa la ii sheegay iney goobtu tahay Trepiano ,meeshaas 4 bilood ka hor ayaa iigu dambeysay runtii, Anigu waxaan daganahay madaxtooyadda, halkaas ayuuna xafiiskeygu ku yaalaa.

Caasimada Online: Ok hadii aad ogtahay inaadan wax lug ah kula heyn arintaan maxaad uga hadli weysay ?

Samraa: Dowladda ayaa ka hadleysa arintaan gaar ahaan laamaha amniga sida la igu war galiyay.

Caasimada Online: Ilaa goormee laga yaabaa iney arintaan Dowladdu ka hadasho ?

Samraa: Ilaa bari ayaan filaya iney ka hadli doonaan insha allah.

Caasimada Online: Markii uu falku dhacayay xageed joogtay, maxaadse dareentay markii laguu sheegay in ilaaladaadu dil geysatay adoo la socda.

Samraa: Waxaan joogay xafiiska saacadaas la sheegay iney wax dhaceen , Laakiin markii la ii sheegay in arinta aniga la igu tuhmayo waxan joogay xaafadda, Runtii aadban uga xumahay qof Soomaali ah oo dhimanaya bilaa sabab ,sidoo kale waa dareemi kartaa xanuunka ay leedahay markii adigoo masuul qaran ah dusha lagaa saaro wax aadan sameynin.

Dhinaca kale waxaa jira xogo hoose oo sheegaya in arintaan la siyaasadeeyay oo ay arimo kale is riixayaan tiiyoo ay jirto in xildhibaanad Samraa ay ku fadhiso mid ka mid ah 8da kursi ee lagu muransan yahay.

Waxaa wareystay: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com

Sawirradan waa tababar shalay ka socday xafiiska xildhibaanadda, sida ay sheegtay Samraa oo nasoo gaarsiisay

Waxaa wareystay: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com