Dhageyso: Taabit oo ganacstada Bakaaraha u tilmaamay qaabka kaliya ee looga hortagi karo dabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo xalay saqdii dhexe booqday Suuqa Bakaaraha oo uu dab ka kacay ayaa baaq u diray ganacsatada Suuqa Bakaaraha si looga hortago inuu mar kale suuqa dab ka kaco.

Guddoomiyaha oo xalay qeyb ka ahaa shaqadii lagu daminayey dabka ayaa halkaas kula hadlay saxaafadda , wuxuuna u mahadceliyey dhammaan inta badan guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo halkaas soo gaaray iyo shaqaalaha dab damiska ee Gobolka Banaadir.

“ Waxaa joogo inta badan guddoomiyayaasha Gobolka Banaadir, taliyayaasha Ciidamada, shaqaalaha dab dhamiska ee Gobolka Banaadir, dhammaan waxaan halkaan u imaanay inaan damino dabka ka kacay suuqa Bakaaraha oo ah gurigeyna, waa waajib na saaran inaan ka qeyb qaadano daminta dabkaas, waajibkaasna waa gudanay, saacadaan oo ah toban saac oo habeenimo ayaan halkaan joognaa” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.

“Waxaan rabaa inaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha ugu baaqo, dabkaan dhawr jeer ayuu soo laalaabtay, anagana ganacsatada baaqyo badan ayaan u dirnay, markaan waxaan rabnaa inuu suuqa Bakaaraha lahaado meelihii loogu talagalay ee biyaha laga qaadayey iyo dab damisyaal u gaar ah , Gobolka Banaadirna wuxuu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato howshaas, inaan dabkaan damino intaan naguma qaadan laheyn haddii suuqa laga heli lahaa tasiilaadka loogu talagalay dab damiska” ayuu hadalkiisa kusii daray Guddoomiyaha.

“ Anagana kamaamul ahaan waxaan ballan qaadeynaa inaan ka qeyb qaadano howshaas, xataa haddii ay tahay dhaqaale aan ku deeqeyno, waan heynaa shaqaalihii loogu talagalay howshaas oo weliba tababaran kuwaas oo saacadaan oo xilli dambe ah soo jeedo” ayuu kusii daray.

“ Waxaan mar labaad ganacsatada ugu baaqayaa inay doorkooda ka qaataan arrintaan, waxa xilligaan na keenay suuqa waa inuu yahay  gurigeyna oo aan kuligeyna u wada istaagno, habeen kasta gurmad wax ma tarayo waa inaan keenaa nidaam aan uga bixi karno waxa yaalo, anaga farsamadii waan heynaa, xooggii waan heynaa, balse waa inaan is kaashanaa ganacsatooy si dabkaan aan hormar uga sameyno oo uusan mar dambe nagu soo laaban” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Guddoomiye Thaabit

Booqashada guddoomiye oo aheyd xilli dambe ayaa muujineyso inuu Thaabit diyaar u yahay inuu saacad kasta u adeego shacabka uu Mas’uulka ka yahay.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed