Wasiir Juxa oo shaaciyay hadal uu shacbiyad uga helayo dadka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumada Somalia Cabdi Faarax Saciid Juxa, oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in wasaaradiisu ay qeyb ka noqoneyso dhinacyada raadinaaya maqaamka Gobolka Banaadir.

Wasiir Juxa waxa uu tilmaamay in juhdi badan uu galin doono sida dadka degan Gobolka Banaadir loo siin lahaa maqaamkooda isla markaana loola meel dhigi lahaa maamulada kale.

Juxa waxa uu sheegay in iminka ay si hordhac ah u bilaabeen qorshaha lagu raadinaayo maqaamka waxa uuna meesha ka saaray in Wasaaradiisa ay ka jiifato dadaalka ay wado.

Juxa waxa uu carab dhabay inay sameynayaan xubno u gaara Wasaarada oo si dhaba uga howlgala dariiqo weliba oo lagu heli karo maqaamka Gobolka Banaadir.

Wasiir Juxa waxa uu sidoo kale sheegay in Wasaaradiisu ay ka dhabeyn doonto helida maqaamka Gobolka Banaadir,waxa uuna ku baaqay in Wasaarada looga danbeeyo.

Talaabada uu qaaday Wasiir Juxa ayaa kusoo beegmeysa xili waxgaradka iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Banaadir ay wadaan dadaal lagu soo dhicinaayo maqaamka Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com