Xog: Hal arrin oo hoggaamisay guul-darradii Faroole ka raacday doorashadii shalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid ayaa noqday guddoomiyaha guddiga dastuurka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu tartan uga adkaaday Senator Cabdiraxmaan Faroole, oo markii hore xilkan loo saadaalinayey.

Codeynta 10 Xildhibaan oo labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ka tirsan waxaa ay u dhacday Cabdi Qeydiid oo helay 6 cod halka Cabdiraxmaan Faroole helay 4 cod.

Cabdi Xasan Cawaale waxaa horay u soo noqday hogaamiye kooxeed iyo madaxweynaha maamulka Galmudug halka Faroole uu ahaa madaxweynaha maamulka Puntland, labadaba hadda waxaa ay ku wada jiraan aqalka sare ee Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan aqalka sare ayaa Caasimada Online u sheegay in guul-darrada Faroole ay ugu wacneyd cabsi laga qabayo fikirkiisa dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, oo uu aamnisan yahay in wax laga beddelay.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa u arkay in hadidi Faroole loo gacan geliyo hoggaanka guddiga dib u eegista dastuurka uu dowladda dhex joojin karo khilaaf aan dhammaan oo dastuuri ah, taais oo horseedi karta in afarta sano ee baarlamanka ay buuq ku dhammaato.

Waxaa sidoo kale jiray cabsi ku saabsan inuu is-beddel ku sameyn karo dastuurka.

Ayada oo laga duulayo arrimaha ayaa hoggaanka baarlamanka waxay maalmihii ugu dambeeyey galeen dadaal xooggan oo ka dhan ah inaan Faroole loo gacan gelin xilkan oo ah kan ugu sarreeya baarlamanka, marka laga soo tago guddoonka.

Faroole ayaa intii uu ahaa madaxweynaha Puntland ku doodi jiray, welina qaba in wax laga beddelay dastuurka dalka, inkasta oo aan caddeymo loo hayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com