Wargeyska Business Daily Africa: Farmaajo waxa uu diiday hindisihii Kenyatta

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Business Daily Africa ee kasoo baxa Nairobi, ayaa qoray in Kenya ay ku guul-darreysatay in Soomaaliyaay heshiis kala gaarto muranka xuduudda badda ee labada dal ka dhex-oogan.

Wada-hadallo uu dhex-dhexaadiyey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta shalay ku dhex-maray magaalada Nairobi.

Si kastaba, wargeyska Business Daily Africa, oo soo xiganaya diblomaasi Soomaali ah ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay in ay sugi doonto go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ.

Wargeyska waxa uu sidoo kale qoray in Soomaaliya ay diiday soo jeedin ka timid Kenya oo ahayd in labada dal ay ka wada-hadlaan sameynta qariirad xuduud oo cusub oo labada dhinac ay isku raaci karaan, haddii Soomaaliya ay ka laabtao kiiska maxkamadda.

Dowladda Kenya, ayaa illaa iyo hadda ka hadal faah-faahinta kulankii Nairobi, waxaana yaab lahayd inuusan jirin war-murtiyeed wada jir ah oo wada-hadallada laga soo saaray.

Madaxa warfaafinta Villa Somalia, Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay isku raaceen in xiriirka diblomaasi dib loo soo celiyo.

“Waxay sidoo kale isku raaceen in safiirada labada dal ay ku kala laabtaan Muqdisho iyo Nairobi” ayuu yiri

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com