W/Arimaha Gudaha oo mamnnuucday caleemo saarka oday dhaqameed cusub

Muqdisho(Caasimada Online)-Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa soo saartay warqad ay ku cadeyneyso in la mamnuucay in oday dhaqameed cusub lagu caleemo saaraa deegaanada maamulkaasi Sonaliland, kadib markii muranada oday dhaqameedyada ay ku bateen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba mamnuuc tahay in oday dhaqameed cusub lagu caleemo saaraa deegaanada maamulkaasi uu ka taliyo.

Yaasiin Faratoon oo ah wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa qoraal kasoo baxay xafiiskiisa waxaa lagu mamnuucay in xaflad caleemo saar oday dhaqameed lagu qabtaa magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka maamulkaasi ka taliyo.

Wasiirka ayaa sidoo kale qoraalkiisan ku sheegay iney wasaaradda oo iyadu diiwaangelinta madaxda dhaqanka beelaha u xilsaaran mushaarkooda, iyadoo shaqadooda  ay ugu weyn tahay nabadaynta iyo xallinta khilaafyada soo kala dhex gala beelaha. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegay inay dib u fiirin doonaan hawlaha  ay Somaliland u qabtaan madaxda dhaqanka ee hadda sharciyeysan .

amarka-wasaarad-arrmaha-gudaha