BOORSAANI oo aamusnaan dheer kadib afka furtay sheegayna in..

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia uu ka furmay shirka Madasha Qaran, ayaa waxaa qeyla dhaan diray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Boorsaani, ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in Hogaamiyayaasha Madasha ay maanta isla soo qaadan mataaladii uu Gobolka Banaadir ku lahaa Aqalka sare.

Boorsaani, waxa uu sheegay in shacabka ku nool Gobolka Banaadir ay ka dhowr sugayaan Hogaamiyayaasha Madasha waxa uuna sheegay inay aad uga walaacsan yihiin xaqiraada mataaladii Gobolka Banaadir ee Aqalka sare.

Boorsaani waxa uu sheegay in arrin fool-xun ay tahay in Hogaamiyayaasha ay ka tagaan Hooyada dalka oo ah Gobolka Banaadir, waxa uuna qeyla dhaan ka muujiyay dhibaatada ay la kulmikaraan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir ayuu sheegay inay aad uga xumaan doonaan haddii la xaqiro matalaadii ay ku lahaayen Aqalka Sare waxa uuna sheegay inay rajo ka muujinayaan shirka iminka ka socda magaalada Muqdisho ee noqon doona kii ugu danbeeyay.

”Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir sharci ahaan xaq ayay u leeyihiin inay helaan matalaadooda, hadii aanu nahay Gobolka Banaadir waa ku dulmanahay in aan wax matalaad ah aan wali helin.

Dhinaca kale qeyla dhaanta Guddoomiye Boorsaani ayaa imaaneysa iyadoo maanta magaalada Muqdisho uu ka furmay shirkii ugu danbeeyay ee dhexmara Hogaamiyayaasha Madasha Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com