Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay MAQAAXI ku taalla MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax aad u xoogan uu halkaasi ka dhacay.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Suuqa Daawada, waxaana la soo sheegayaa in halka uu ka dhacay ay aheyd Maqaaxi ku taalla halkaasi.

Qaraxa kadib ayaa waxaa mar qura Suuqa Bakaaraha is qabsaday rasaas ay ridayeen ciidamo ka agdhawaa Maqaaxida uu Qaraxa ka dhacay.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid lagu riday Bac Madow oo la garab dhigay Maqaaxida, waxaana la sheegayaa in Qaraxaasi uu waxyeelo kasoo gaaray dad shacab ah oo ka qadeynaayay Maqaaxida.

Goobjoogaha waxa uu sidoo kale sheegay in meel ku dhow Maqaaxida ay xiligaasi marayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Maaliyada Degmada Howlwadaag, inkastoo wararkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay Qaraxa, waxaana la soo warinayaa inay jiraan khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com