Wariyaal lagu Xir xiray Beladweyne.

Wariyaal ka howlgalayay Telifishinada Soomaalida ayaa maanta waxaa lagu xiray magaalada Beladweyne ee Xarunta gobolka hiiraan.

Ciidamada dowlada Soomaliya ayaa xiray wariyaashan oo lagu haysto inay Warbixin qalad lagu tilmaamay oo ay ka diyaariyeen Taliyihii lagu dilay Shalay Belaweyne.

Wariyaasha la xiray ayaa waxaa lagu kala magacabaa,Cabdirisaaq Al cadaala oo u shaqeeya TV Royal,Wariye Ibraahim Baashaal oo ka howlgala Horn Cable,Ciise Cabdi oo isagana ka howgala Tvga Universal.

Saacadihii la soo dhaafay ee maanta ayaa la xiray Wariyaashan oo ilaa iyo hada ku xiran Saldhig ku yaala Beladweyne.

Sidoo kale Wariyaasha ayaa waxaa lagu haystaa muuqaalo ay ka qaadeen Taliyaha la dilay oo idaacadahooda ay u gudbiyeen.