“Xaaskeygii aadka aan u jeclaa ayay kufsadeen kadibna dileen” (Daawo Wareysiga dhacdo xunuun badan)

Iyadoo dhawaan ay ahayd markii dalka Koonfur Africa lagu kufsaday ka dibna la daldalay Gabar Soomaaliyeed oo uur Sagaal Bilood lahayd Taasi oo lagu magacaabi jiray Nasro Maxamed Qamaan ayaa arinteeda waxaa markii ugu horeysay loo qabtay mid ka mid ah Dilaaga halka Kuwa kale lagu Raad joogo.

Hadaba Wariye Maxamed Muse Nuur Deeqdarajo oo ah wariyaha Koowaad ee dalka Koonfur Africa ugu soo waramaya Tv-ga Universal oo fadhigiisa yahay Magaalada Cape Town ayaa safar uu arintaasi kusoo baarayo ku aaday Magaalada Port Elezabeth oo ugu yaraan 1000Km u jirta Magaaladaasi.

Wariye Deeqdarajo ayaa soo waraystay Ninka Qabay Nasro Maxamed Qamaan alaha u naxariistee ayaa u sheegay in uu aad u jeclaa xaaskiisa sidoo kale wariyaha ayaa waraysi kasoo qaaday Wiilka La dhashay Gabadhasi wuxuu sidoo kale booqday Qabriga Allaha u naxariistee Marxuumada laga gal darnaa.

Waraysiga ayaa lagu soo qaatay barnaamijka Arimaha Bulshada oo Soomaalida aad u jeceshahay iyadoo uu soo tabinayey Maxamed Muse Nuur oo ku magac dheer Deeqdarajo.

Daawasho Wacan.