Isku aadka Capital One Cup oo la sameeyey Leeds v Chelsea, Bradford v Arsenal.

Kooxda kusoo tumatay Manchester United ee Chelsea ayaa wareega sideed dhamaadka booqan doonta Elland Road oo ay ku ciyaarto Leeds  isku aadka koobka Capital One Cup.

Arsenal oo ciyaar la isku xiiqay ka dib 7-5 kusoo dubatay Reading waxay marti u ahaan doontaa kooxda Bradford ee ciyaarta Championship-ka.

Swansea oo ka taqalustay Liverpool ayaa soo dhaweyn doonta kooxda Middlesbrough, halka Norwich ay garoonkeeda kula ciyaari doonto kooxda Aston Villa.

Isku aadka wareega 8da koobka Capital One Cup waa sidaan:-

Leeds v Chelsea

Swansea v Middlesbrough

Norwich v Aston Villa

Bradford v Arsenal

Kulamada waxaa la qorsheeyey in la ciyaaro 10ka  bisha December, kulanka Leeds ay wajaheyso Chelsea waxaa la sugi doonaa ilaa 19 December  iyadoo ay kooxda reer Lonodn ka qeyb geli doonto koobka World Club Cup.

W/Q: Ahmed Jaanoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.