Wariye Cabdi Casiis koronto oo wali la baadi goobayo, kadib markii…..

Waxaa walli baadi goob loogu jiraa halka lala aaday Wariye Cabdicasiis Cabdi Nuur Ibraahim “Koronto”, oo dhawaan ay xerteen ciidamada booliska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaanan la  ogeyn halka ay la aadeen ciidamada booliska ,wallow la sheegay inay ku warejiyeen ciidamada hayada Nabad sugida ee magaalada Muqdisho.

Wariyaal ka tirsan Radio Dalsan oo la hadlay Caasimada Online xafiiska Muqdisho ayaa sheegay in ilaa iyo iminka wax hadal ah aysan ka heynin wariyaha iyo hayada Nabad sugida ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilaa iyo hadda lama hayo sababta keentay xariga wariye Koronto oo ciidamada booliska ay xereen islamarkaana ku wareejiyeen hayada nabad sugida qaranka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wariyaha loo heysto warbixin dhawaan uu baahiyay Tv-ga Aljazeera ee xaruntiisa tahay dalka Qatar,taasi oo ku aadaneyd kufsiga lagu hayo haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha ee kuyaala magaalada Muqdisho.