Wariye Jamaal Cusmaan oo lagu xiray garoonka Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) — Wariye Jamaal Cismaan oo ka tirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Garoowe, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Illo wareedyo ka tirsan howl-wadeennada garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay in Wariye Jamaal Cismaan la xiray kadib markii uu kasoo degay garoonka, ayna u bilaabatay su’aallo weydiin la xiriirta safarkiisa.

Jamaal oo ku caan baxay ka waranka argagixisada iyo inuu si dad badan barahiisa bulshada ugu taageero Shabaab ayuu Sirdoonka Puntland wax ka weydiinayaan ujeedka booqashadiisa deegaanada maamulkaasi.

Wariye Jamaal ayaa horey hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay magaalada Muqdisho uga tarxiishay xilli uu booqasho ku yimid, iyada oo lagu haystay inuu buun-buunin u sameeyay kooxda Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaa markaasi un billowday dagaalka ka dhanka ah Shabaab, islamarkaana soo saartay awaamiir warbaahineed oo ku saabsan in dhamaan wararka la xiriira kooxda oo ay ku jiraan falalkooda iyo fikirkooda inay yihiin dambiyo ciqaab mudan.

Si kastaba, Jamaal ayaa si weyn u buun-buuninaya kooxaha xagjirka ah, isaga oo kal hore barnaamij uu kasoo duubay xarunta Al-Shabaab ee Jilib uu muujinayay in dadka ay nolol wanaagsan ku haystaan joogitaanka iyo ku hoos noolaanshaha kooxda, xilli ay dhiigga bulshada Soomaaliyeed u qubaan macno darro.

Mana kala cada illaa hadda in wariye Jamaal Cismaan si lamid ah sidii Muqdisho looga tarxiili doono Garoowe iyo in loo fasixi doono inuu gudaha u galo magaalada.