Xeer ilaalinta maxkamadda gobalka Banaadir oo sheegtay in la soo gaba gebeeyay kiiska wariye Koronto

Muqdisho (Caasimada Online) Xeer-ilaalinta maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegtay maanta inay kiiska weriye Cabdi Casiis Koronto iyo dadka kale oo la xiran ay u gudbisay maxkamadda sare.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda Cabduqaadir Maxamed Muuse ayaa sheegay in maxkamadda gobalka Banaadir ay u soo wareejisay wariye Koronto xabsiga dhexe, illaa inta laga horkeenayo kiiska isaga iyo dadka la xiran maxkamadda sare.

Wuxuu sheegay in wax yaabaha uu baahiyay wariyaha ay meel dhac ku tahay ciidamada dowladda oo lagu eedeeyay in ay geesteen kufsi, arrintaas waa arrrin culus ayuu yiri oo u baahan baaritaan.

Wuxuu intaas ku daray in cidii ay ku cadaato arrintaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waa faqsan.

Wariyaha ayaa maanta mar kale la hor keenay maxkamadda gobalka banaadir.

Dadka xeer-ilaalinta la hor geeyay waxaa ku jirta haweenay la sheegay in la kufsaday.

Aggaasimaha idaacadda Dalsan oo uu ka tirsanaa wariye Cabdi Casiis Koronto ayaa sheegay in arrin qalad ah lagu heesto wariyaha.
Wuxuu intaas ku daray in wariyaha lagu eedeeyay warbixin lagu qoray Al-Jazeera, taasoo isaga uusan baahin.

“Warbixinta la sheegayo lagama sii deen Idaacadda Dalsan iyo Ergo oo uu ka tirsan yahay, Al-Jazeera ayaa leh waan ka xunahay wariye aan noo shaqeen in loo xiro warbixin annaga aan sii deenay” ayuu yiri Xasan Cali Geesay.

Dacwada wariye Koronto iyo afar qof oo kale oo la eedeesan ayaa soo jiitameysay muddo 20-cisho, waxana la filayaa in maalmaha soo socota ay dhinac uun ay isugu biya shubato.

Xeer ilaaliyaha maxkamada ayaa sheegay in kiiska wariye Koronto uu gaaray caalamka oo aad loo hadal hayo taasoo loo baahan yahay in ay dhinac u dhacdo.

Si kastaba lama oga xilliga ay maxkamadda sare hor imaan doonaan dadkan la soo eedeeyay oo xabsiga ku hoyanaya caawa habeenkoodii 14-aad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho