29.2 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Warqad cusub oo muujineysa in tallaabadii uu qaaday Xasan Sheekh ay tahay sharci darro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si sharci daro ah u qaatay shaqo ay lahaayeen guddiga farsamadda maamul u samaeynta Gobolada Dhexe, sida ku cad warqad cusub oo la helay.

Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in madasha shirka maamul sameynta tahay Magaalada Cadaado, inkasta oo uusan lahayn awooda uu ku go’aamin karo madasha shirka.

Warqadda ay ku cadahay shaqada Guddiga Farsamadda ayaa qodobkeeda 1-aad fiqrada H waxaa ay qoreysaa in guddiga farsamadda go’aan ka gaarayaan Madasha Shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saaxiibadiisa Damjadiid u sheegay inuu Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle uu kula heshiiyey inuu ku taageero ciidamo loo geeyo magaalada Cadaado si qorshaha ah in Musharaxa Damjadiid ugu dhawaaqaan inuu ku guuleystay doorashada.

Odoyaasha Dhaqanka Gobolada Galgaduud iyo Mudug oo haatan shirku uga socdo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inaan cidina ku qasbi karin meel aysan iyagu go’aansan, madasha shirkana go’aan ka gaari doonaan marka shirka dib u heshiisiinta beelaha Gobolada dhexe dhamaystiraan 25/03/2015.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Odowaa ayaa maalmahaan billaabay inay xubnaha aan ka tirsaneyn dhinacooda ay wareegtooyin lagu bedelayo soo saaraan, wareegtooyinkaas oo madaxda guddiga farsamadu ku gacan seereen.

Guddiga Farsamada ayaa sheegay in laba qodob ay xubnaha guddiga ku weynayaan kamid ahaansahooda guddiga Farsamaddaay yihiin:-

1- In odoyaasha dhaqanka beesha uu metelayo si mideysan u soo gudbiyaan qoraal ay ku codsanayaan in xubintaas laga bedelo.

2- In uu gudan waayo shaqadiisa guddiga farsamadda, iyada oo markaana xubinta bedelaysa kaliya ay keensan karto beesha uu kasoo jeedo

Lifaaqa waa Shaqada guddiga Farsamada oo ay ku cadahahay shaqadooda, balse uu qaatay madaxweynaha.

Shaqada Guddiga Farsamada Page 1Shaqada Guddiga Farsamada Page 2

- Advertisement -

Read more

Local News