Warqad furran oo ku socota wasiirka Arrimaha gudaha Somalia

Qalinka: Abukar Albadri,

Assalaamu Caleykum WaraxmatuLLAAHI wa barakaatuhu,

Salaan kaddib, Sacaadatul wasiir, waxaan jeclaystay in aan warbaahinta kuu soo mariyo warqad furan oo ku saabsan xariga C/Casiis C/Nuur Ibraahim ee ku eedeysan in uu wareystay gabadh dhibane ah oo la kufsaday, kuna xiran CID.

Inta aan warqaddan soo marin warbaahinta waan isku dayey in aan ku helo oo aan arrinta aan halkan ku sheegi doono adiga kuugu sheego si shaqsi ah, kuuna ifiyo wixii dhab ah ee aan arrintan ka og nahay, balse kuma guuleysan in aniga iyo guddigii aan la socday aan ku aragno.

Md. Wasiir, Maalintii Khamiista abbaare 12.00pm duhurnimo oo dhow dhow, waxaa i soo wacay weriyaha xiran oo ii sheegay in Gabar uu wareystay lambarkeeda uu ka soo wacay taliyaha Hogaanka Dembibaarista (CID-da) Gen. Cabdulaahi Xasan Bariise, wuxuuna igala tashaday waxa uu ka sameynayo arrinkaas, waxaana ka mid ahaa inta ku tiri “U tag taliyaha oo isa soo beri yeel”, isaga oo ku niyadsan in uu is beri yeeli doono ayuuna aaday CID-da oo tan iyo markaas uu ku xiran yahay, welibana aan xaalkiisa wax badan laga geyn.

Md. Wasiir, sida dad badan oo aan aniga ka mid ahay ay ogsoon yihiin, Cabdulcasiis Cabdinuur Ibraahim, ma ahan shaqsiga qoray warbixinta ku daabacan Aljazeera Bogeedda, wax ka mid ah qoraalkaas oo uu isaga leeyahayna ma jiraan, waxaa qortay Gabar Soomaaliyeed oo ah saxafiyad, taas oo Muqdisho ku timid safar hawleed muddo 6-8 casho ah.

Md. Wasiir, waa hubanti dowladda aad wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ka tahay in badan in loo hayo han weyn oo ah in ay shacabka kiisa dulman gargaarto, balse qaladaadka dhacayaa dartood waxay niyad jabin iyo fajacba ku yihiin intii hoggaankiina u han weyneyd.

Tusaale ahaan, laanta barista dembiyada iyo Booliiska guud ahaan oo haatan waxay doonayaan in ay soo diyaariyaan eedeymo ka dhan ah Cabdulcasiis Cabdinuur iyo dhibanaha la kufsaday, muqgdi badan ayaana nagaga hareysan arrintaas, waayo annaga oo og in Cabdulcasiis uusan wax shuqul ah ku laheyn warbixinta Aljazeera ayaan ka walwaleynaa in la geliyo dembi uusan laheyn, misena adduunkiina iyo aakhiradiina saameyn kara.

Sida aan ka dhageystay Muxaadaro cinwaankeedu ahaa Qisas Cajiib ah oo aan filayo in uu jeediyey Sheekh Cabduraxmaan Bashiir, waxaa ku jirta qeyb gabar Daariin la yiraahdo oo ay dishay gabar jaariyad u aheyd oo ninkeedii la guursaday misena dilkeedii inkireen ay hooyadeen ku leedahay “Haddii ay dhabtu ka qarsoon tahay makhluuqa, kama qarsoomeyso khaaliqa, waa ALLAAH” anigana waxaa ku leeyahay wasiir, haddii ay dhabtu ka qarsoon tahay shacabka Soomaaliyeed, kama Qarsoona ALLAAH, isaga ayaana idin xisaabin doona inta awoodda leh ee masaakiinta miskahooda fuuleysa.

Gabadhan loo heysto in la wareystay, Cabdulcasiisna uusan siideynba, waxay sheegtay in la kufsaday, ayna kufsadeen dad gashan dharka ciidanka, waa hubaal in haddii ay teeda been tahay xitaa askarta ay habeen walba kufsadaan dumarka ku dhibaateysan xeryaha qaxootiga, adiguna haddii aadan xilka aad heyso ee masuuliyadeed eegin ee aad eegto shaqsiga aad tahay ee ahaa Samafale aqoon yahan ah waad og tahay wax runta ah ee jira.

Markii ay gabadhaasi sheegtay in la kufsaday, amaba la arkay warbixinta Aljazeera, Booliisku waxay soo xireen dhibanaha iyagoo ka careysan in magacooda wax laga sheegay.

Inta aan gabadha la soo xirin waxay aheyd in Booliisku maro tallaabooyin sharci ah oo xalaaleyn lahaa in arrintaas qof loo xiro ugu dambeyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin in uu soo baaro arrinta, una abbaaro sidan.

1.     Degmada Hodan waxay leedahay guddoomiye iyo maamul, kuwaas oo ay aheyd in wixii meesha ka dhacay wax laga waydiiyo, sababta oo ah ugu yeraan waxay heli karaan xog ah in qof habeenkaas la kufsaday iyo in kale.

2.     Ciidan isugu jira Milatari, Booliis, Nabadsugid ayaa joogay goobta la sheegay in ay wax ka dhaceen, waxaan ula jeedaa kuwii heeganka amniga lahaa habeenkaas.

3.     Kaamka ay gabadha sheeganeysa in lagu kufsaday wuxuu leeyahay horjoogayaal hubeysan oo dadka meesha ku jira ku qaata raashiin.

4.     Gabadha qolkeeda cooshadaha ah kaligiis meel kuma yaalo oo waxaa ku hareereysan buushash kale oo badan oo dadka jiifay ay ogaan karaan haddii gurigan “xalay” ay qaylo ka yeertay oo qof lagu kufsaday iyo in kale.

5.     Qoyska gabadha waxay ka kooban yihiin dad qaangaar ah iyo caruur la weydiin karo haddii ay xasuustaan xilli habeenimo ay dad hubeysan soo weerareen.

Intaas kor ku xusan waxay aheyd in la wada wareysto oo arrintaas laga soo wada baaro jiritaankeeda, kaddibna haddii ay jirto sidaas lagu soo qabto dembiilayaasha. Waxaana markaas soo baxi laheyd natiijo ku filan in lagu beeniyo warbixinta ku soo baxday Aljazeera ama gabadha lagu eedeeyo in ay abuurtay war been abuur ah oo dowlada lagu ijaafeynayo.

Booliiska iyaga oo aan wax baaritaan kale ah soo sameyn ayey soo xireen dhibane, ama qof dhibane sheeganeysa. Sida ku cad talaabooyinka ay qaadeen warbixintaas waxaa la daabacay 6-dii bishan, weriye Cabdulcasiisna waxaan maqlay in uu gabadha wareystay 6-dii Bishan, Booliiskuna waxay gabadha soo xireen 3 casho kaddib markii warbixinta la daabacay.

Warbixinta Aljazeera gabadha qortay waxay Muqdisho booqatay todobaadkii labaad ee Bisha December 2012, waxayna la kulantay oo wareysiyo ka sameysay madax dowladda ka mid ah, qeybaha warbaahinta, ururada Maxaliga, barakacayaasha iwm.

Weriye Cabdulcasiis waxaa la xiray 10-ka Bishan Janaayo 2013, waa seddax maalmood kaddib markii uu gabadha wareystay. Gabadhana xabsiga way kaga horeysay oo iyada sida ay sheegtay waxaaba la soo xiray habeenkii ka horeeyey ee lagu soo wareystay xarun ku taala madaxtooyo akteeda waa sida ay tiriye.

Md. Wasiir, hubsiimo la’aanta ay hawshani beegsiga ah ku bilaabatay, ee loola jeeday in ay booliiska Soomaaliyeed ku difaacdaan magacooda, waxay haatan dhaawac weyn u geystay sawirkii guud ee dowladda, kan booliiskuna haddiiba uu markii hore bulshada ku dhex lahaa wax sawir fiican ah intii way sii baaba’een sababta oo ah, marka aad eegto warbaahinat kudaha iyo tan dibadda warbixinadii ku soo baxay todobaad gudihiisa in ka badan 60% waxay quseeyeen in booliiskii Soomaaliya uu xabsiga dhigay dhibane sheegtay in la kufsaday iyo weriyihii wareystay, taasi ceeb ugu filan dowladda haddii aan ku fekerno caqliga saliimka ah ee dadka dowladda ku jira ee adiga ka mid tahay lagu tuhmayo.

Md. Wasiir, waxaad tahay masuul ay shacabka Soomaaliyeed iyo ALLAAH ka sugayaan in uu caddaalad falo, hawshaadana kama mid aha in aad u kala hiiliso taliye ku hoos yimaada iyo dhibane la kufsaday midna, waxay hawshaadu tahay in aad kan dhiban ka qabato kan dulman.

Haddii aan tusaale wanaagsan ku siiyo, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Qareen Ceydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa wuxuu cabasha ka noqday sawir gacmeed uu daabacay Amiin Arts balse dib loogu daabacay wargeyska Xod-Doon, guddoomiyaha Maxkamada ma soo xirin qorayaashii wargeyska uu ka cabanaayey, wuxuu qortay dacwad, wuxuu qabsaday qareen, haatanna qorayaasha wargeyska waa loo yeeray oo waxay doonayaan in ay arrintaas isla xalliyaan guddoomiyaha, waana ku ammaanan yahay inuu na tusan tubta saxda ah ee laga doonayo masuuliyiinta dowladda in ay u maraan cabashadooda dhanka saxaafadda.

Intaas kaddib, Md. Wasiir, waxaan doonayaa in aan kaaga codsado warqaddan furan seddaxdan arrimood ee soo socota.

1.     Hoggaanka dowladda ee madaxda sare iyo wasiiraba leh waa loo hanweyn yahay, waxa laga filayaana waa daacadnimo iyo caddaalad, cadaaladaas yeysan idinka leexin saraakiil hawshoodii ay gudan waayeen u ciqaabaya dhibanayaal hadlay.

2.     Arrinta Cabdulcasiis iyo dhibanahaba, yaan lagu ogoleysiin wax aad og tahay in ay yihiin dembi loo abuurayo dhibane, dulmahana u gargaar, ALLAAH ayaa kuu gargaarayee.

3.     Ka xihoo ALLAAH iyo shacabka Soomaaliyeed, haka xishoon haddii aad hubto in Generaalo hawshooda ku fashilmay ay doonayaan in ay dhibanayaal cadaadiyaan. ALLAAH yowmul qiyaama wuu ku su’aali doonaa qof kasta ee la dulmiyo adiga oo masuuliyadda aminiga haya.

Haatan oo aan dareemayo in wax walba laga dhigay maskiin ayaa misko la fuulo leh, adiga ayaan u arkay in aad tahay qofka ku haboon ee aan risaaladan soo gaarsiin karo.

WabiLLAAHI towfiiq. 

Abukar Albadri, saxafi Soomaaliyeed oo madax banaan.

Wixii talo iyo dhaliil ah Abukar.albadri@gmail.com