Maxkamadda sare oo ka hor timid go’aankii BF ka gaaray 8-dii kursi ee muranku ku jiray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda sare ee Somalia iyo Golaha shacabka ayaa isku qilaafsan sida laga yeelaayo 8 kursi oo muran ku jiro oo aqalka hoose ka tirsan.

Baarlamaanka ayaa maanta diiday go’aan ay maxkamadu horey u gaartay oo ahaa in kuraastaasi aaney sharci aheyn dibna loogu soo tartamo , balse wax yar uun kadib waxaa qoraal soo saartay maxkamadda sare kaas oo liddi ku ah mowqifkii maanta ee Baarlamaanka.

Bayaanka maxkamadda sare oo Caasimadda Online ay heshay ayaa qeexaya iney sidoodii u dhaqan galaayaan labadii go’aan ee Maxkamadda sarre iyo Xeer ilaalinta Qaranka ee soo baxay bilihii Janaayo iyo May.

Arintaan ayaa u muuqata dagaal horleh iyo dano siyaasadeed, dadka sida gaarka ah ula socda muranka 8-daan kursi ayaa sheegaya in labadda dhinacba ay lacago xoogleh ku bixiyeen kiiskaan.

Madaxtooyadda Somalia ayaa wali ka hadlin arintan.

Hoos ka arag bayaanka Maxkamadda sare.