Warqad sir ah oo Princess Diana ku sheegtay qaabka loo dili lahaa oo la helay

London (Caasimada Online) – Labo sannadood kahor shilka halista ahaa ee ay ku geeriyootay, Princess Diana waxay saadaalisay inay ku dhiman doonto shil baabuur. 

Xogtan naxdinta leh oo markii dambe loo bixiyay “Mishcon Note” waxaa lagu soo bandhigay barnaamij taxane ah oo laga sii daayay taleefishinka Discovery+ ee Mareykanka, kaasi oo loogu magac-daray The Diana Investigation (Baaritaankii Diana). 

Bishii Octoober sannadkii 1995, Diana ayaa kulan gaar ah ka codsatay inay la yeelato la-taliyaheeda dhinaca sharciga, Victor Mishcon si ay ugu sheegto arrin maskaxdeeda ku taagneyd. 

Diana waxay u sheegtay in ilo lagu kalsoonaan karo ay ka heshay xog ku saabsan in loo maleegayo shil gaari inay ku dhimato. Waxay sii saadaalisay in shilkaas ay ku dhiman doonto ama uu kasoo gaari doono dhaawac culus.

Laba sano kadib Bishii Agoosto 31 sannadkii 1997, iyada iyo lammaanaheeda Dodi al-Fayed iyo darawalkeeda, Henry Paul ayaa dhintay kaddib kolkii Henry uu gaariga oo ku socday xawaare dhan 65 mile saacaddii uu ku dhiftay baalle shub adag ka sameysan. 

Henry wuu cabsanaa markaas uu kaxaynayay gaariga, wuxuuna sidoo kale isku dayayay inuu ka fogaado qolyaha paparazzi-ga loo yaqaan ee sawirrada qarsoodiga ah ka qaada dadka caanka ah kuwaas oo ku socday mootooyin. 

Sida ay ku warrameen khubaradii kasoo muuqatay barnaamijka taxanaha ah, Victor wuxuu xogtii iyo warbixintii ay siisay Diana la wadaagay hoggaankii Booliska London ee waqtigaas, Sir Paul Condon. 

In kasta oo Paul Condon uu sababo amni awgeed u baahinin, haddana markii uu booskiisa beddelay John Steven ayaa la ogaaday jiritaanka warbixinta ay Diana ku saadaalisay dhimashadeeda. 

“Markii uu baaritaan-sameeyuhu ku dhawaaqay baaritaankiisa, waxaan hubiyay in warqadda isla markiiba la siiyay baaraha boqortooyada, kaas oo wakhtigaas ahaa Michael Burgess kadibna noqday Lord Scott Baker,” Lord Stevens ayaa sidaas u sheegay Wargeyska The Daily Beast.

“Waxaan arkay Lord Mishcon bil kahor intuusan dhiman qiyaastii sannadkii 2005, wuxuuna ku adkaystay xaqiiqda ah inuu u qaatay in Diana ay ahayd mid argagaxsan, sidaas darteedna uusan kalsooni badan ku qabin warbixinta.”