Lix qodob oo horyaalla shirka xasaasiga ah ee u socda golaha wasiirada + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Kulan-wadareedka Golaha Wasiira xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaasi oo lagu lafa-gurayo howlaha mudnaanta u leh xukuumadda iyo habka loo xoojin karo wada-shaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Arrimaha ugu muhiimsan ee diiradda lagu saari doonno kulan-wadareedka Golaha Wasiirrada ayaa ah lix qodob oo koobaya barnaamijka xukuumadda Dan-Qaran, kuwaasi oo kala ah;

1- Wada shaqeynta hay’adaha dowladda, 2- Falanqeynta howllaha hortabinta u leh xukuumadda, 3- Adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha wasiirada. 4- Dhawrista iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, 5- Hagaajinta habka xog-wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo 6- La-wadaagidda dadweynaha xog mideysan.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay wada-shaqeynta hay’adaha shaqo wadaaga ah, si loo fuliyo adeegyada dowladda ee ay baahida u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Labada maalmood ee aad ku jirtaan kulan-wadareedka, waa in aad dareenkiinna, maskaxdiina iyo muuqaalkiinnaba isugu geysaan sidii iyo habkii loo hirgelin lahaa howllaha hortabinta u leh Qaranka.”

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa xusuusiyey Golaha sida ay lagama maarmaan u tahay in maanka lagu hayo dhibaatooyinka is biirsaday ee dalka ka jira, isagoo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay golahan ka sugayaan qorshe cad oo lagu samata-bixinayo bulshada tabaaleysan.

“Waxaan ku rajo-weynahay in gebo-gebada kulan-wadareedkaan ay kaso bixi donaan natiijooyin waxtar u yeelan doona, waxna ka badali doona mustaqbalka dadkeenna.”

“Waxaan idinku adkaynayaa in si degan u aqridaan Barnaamijka Xukuumadda ee uu Baarlamaanku ansixiyay, isla markaana aad ka soo dhalashaan qotominta iyo adkaynta tiirarka ku xusan ee udub-dhexaadka u ah Dowlad-dhiska Soomaaliya”.

Kulan-wadareedka Golaha Wasiirada ayaa socon doona muddada labada cisho ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.