Dhallinyaro Soomaali ah oo magaalada Minneapolis isku rasaaseeyey + Sababta

Minneapolis (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan isa-soo tareysay amni-xumada laga dareemayay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Mareykanka, gaar ahaan aagaga ay ku badan tahay Soomaalidu.

Jamaal Cusmaan oo xubin ka ah golaha deegaanka magaalada Minneapolis oo la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in dhacdadii ugu dambeysay ay ka dhacday agagaarka suuqa 24-ka, taasi oo lagu rasaaseeyay wiil dhalinyaro Soomaali ah.

“Arrinta dhacday waxay aheyd dad dhalinyaro ah oo hub iska wata ayaa dadka baaranaya oo dariiqa u istaagaya, Wiil Soomaali ah oo meesha marayay ayaa damcay in gaarigiisa laga xado wuxuu isku dhajiyay furihii markaasay xabado ku fureen,” ayuu yiri.

“Boolis la’aan ayaa jirta oo waxay ku mashquuleen arrimaha adag oo waqti uma hayaan inay meelihii fadhiistan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda rasaaseysay wiilka dhalinyarada Soomaaliga ah ay ahaayeen dadka madowga ah, isaga oo xusay inay jiraan mararka qaar dhalinyaro Soomaali ah oo sidan oo kale dadka dhib u gaarsiiya.

“340 Boolis ah ayaa magaalada ka tagtay oo meeshii 30-ka ama 40-ka joogi jireen hadda waxa jooga 5 ama 6 Boolis ah. Waxaa ku dadaaleyna in aan kordhino Booliska si wax looga qabto arrintaan.”

Jamaal ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha Minneapolis iyo guud ahaan gobolka inay qeyb ka noqdaan dadaalada socda ee looga hortagayo falalka amni darro.