Sawirro: ‘Waxa ay sugeysay inuu guursado balse waxaa loo keenay meydkiisa’

Gaza (Caasimada Online) – Abeer Harb waxay sugayay lix saacadood in meydka gacaliyaheeda laga soo saaro burburka dhismo ku dumay. 

Abeer oo 24 jir ah waxay iyada iyo Ismaaciil Dweik kasoo shaqeynayeen farxadda iyo qabanqaabada guurkooda tan iyo bishii June markii Israel duqeymo la beegsatay guriga Ismaciil oo ku yaalla koonfurta Gaza. 

Wuxuu ahaa 30 jir doonayay inuu nolol cusub la yagleelo jaceylkiisa Abeer. Waxaana la dilay lixdii Agoosto oo ku beegneyd maalintii labaad ee duqeymihii saddexda maalmood socday, kuwaas oo joogto noqday. 

Abeer oo ku dul barooraneysa qabriga Ismaaciil

Ismaaciil wuxuu kamid ahaa 49 qof oo ku dhintay iska hor imaadyo ay Yuhuudda sheegtay inay ku bartilmaameedsanaysay Xoogagga Islamic Jihad, oo ka howlgala Gaza. Kala bar dadkaas la dilay waxay ahaayeen rayid, sida ay ku warrameen saraakiisha Falastiin. 

Yuhuudda ayaa weerarkeeda ku tilmaantay mid ay uga gaashaamanaysay qorshe kusoo wajahnaa. 

Abeer waxay sheegtay in qoyska Ismaaciil ay ku casuumeen gurigooda laakiin ay ku adkaatay inay aadaan madaama dagaalku aad u xooganaa. Wuxuu u sheegay inuu soo booqanayo dhawaan balse waxaa kasoo horumartay qaddartii. Waana geeriyooday. 

Sida ay ku warrameen qoyskiisu, Ismaaciil wuxuu kusoo noqday guriga daqiiqado un kaddib markii duqeyntu bilaabatay waxaana lala dilay hooyadiis. Weerarka ayaana u muuqday mid lala maaganaa guriga abbaanduulaha Xoogagga Islamic Jihad, Khaled Mansuur. 

Abeer oo ka dul tagi la’ qabriga Ismaaciil

“Waxa ugu muhiimsan oo aan jeclaan lahaa markaas waa inaan noloshiisa maqlo,” ayay tiri Abeer. 

“Aad baan u murugooday. Waxaan noqday sida qof noloshii laga xaday. Gacaliyahayga Ismaaciil wuxuu ahaa deeqsi, naxariis badan oo guri qurxoon inoo diyaariyay.” 

Sheekada Abeer iyo Ismaaciil waxay tusaale nool u tahay nolosha qalalaasaha badan ee maalin walba ka jirta Gaza – iyada oo tiiraanyada iyo mahadhooyinka ay joogto sii noqdaan. 

“Waxaan u maleeyaa sida inaan weli riyo ku jiro. Ma doonayo inaan rumeysto wixii dhacay, Yuhuudda waxay burburiyeen riyadayda – waxay iga kaxeeyeen farxadayda.” 

Musiibaddii Maalinta Arooska. 

Akram abu Qaida waxaa maalintii uu ugu farxadda badnaa ay iskugu beddeshay murugo. 

Isaga, ehelkiisa iyo saaxiibadiisa waxay u balansanaayeen dhigashada xaflad weyn oo ay ku wada dabaaldegaan. Nolol cusub inuu habeenkeeda billaabo ayuuna damacsanaa. 

Aabbaha Maxamed Akram wuxuu sheegay in qoyskiisu ay gaareen go’aanka markii ay duqeyntu billaabatay si caruusadda loo keeno guriga xaflad la’aan. Laakiin markii ay jidka sii hayeen – iyaga oo kusii jeeda caruusadda, waxaa gantaal uu ku dhacay gaarigii ay saarneyd Naciima oo ah xaaskiisa. Waxaana ku dhaawacmay afar kale oo qoyska ah oo ay carruur ku jiraan. 

Mohammed Abu Qaida oo ku sugan qolka xaaskiisii Naciima ay u diyaarisay arooska wiilkooda

“Wuxuu ahaa muuqaal xanuun leh; ma aqaan wixii dhacay. Gantaal lasoo riday ayaa ku dhacay gaariga kaas oo hilibkeeda jarjaray,” ayuu yiri Maxamed. 

“Jawigii farxadda iyo reynreynta lahaa wuxuu mar qura isku rogay murugo iyo cabsi. Maxaan galabsanay?” ayuu is weydiiyay. 

Inuu waayo xaaskiisa iyo hooyada carruurtiisa, Maxamed wuxuu hadda ka walaacsan yahay xaaladda maskax ahaaneed ee caafimaadka inankiisa iyo gabadha uu soddogga u yahay oo weli ku sugan guriga aabbaheed. 

Baajin iyo Tirtirid. 

Badigood dadka Gaza ku nool ee qorsheynayay xafladaha arooskooda waxay nasiib u heleen inay ka badbaadaan dhaawacyo kasoo gaara qalalaasihii dhawaanahan socday. 

Si kastaba, sida caadadu tahay, dagaalkani wuxu saameeyey dhacdooyin badan oo ay Falastiiniyiintu qorsheysanayeen – ugu dambeyntiina, wuxuu ka joojiyay inay si caadi ah noloshooda usii wataan. 

Maysa Maliha iyo Axmed Zaqout waxay qorsheysteen inuu guurkoodu dhaco 7 Agoosto. Dagaalkii dhacayna, wuxuu uga dhignaa baajin. Waxayna balanta u beddesheen 12 Agoosto oo ah maalmo un kaddib markii qalalaasuhu dhammaaday. 

Halka Gaza inteeda kale ay ku jireen soo kabasho, Maysa iyo Axmed waxay sii wateen noloshooda iyaga oo dib u anba-qaadaya qorshahooda dadab-galka oo ay ka baaqsadeen markii uu weerarka Israel bilowday. 

Ahmed Zaqout iyo caruusaddiisa Maysa Maliha oo sawir galay kadib xafladda arooskooda

“Tani waa waxa ugu xanuunka badan nolosha Gaza. Qorsheyntu waa wax kama jiraan. Noloshaada waxba uma qorsheyn kartid,” ayay Maysa u sheegtay al-Jazeera.

“Aalaaba waxaa jira la-yaabyo iyo horumarro is dhinac socda oo xaaladda siyaadeed iyo midda amniga ku saabsan kuwaas oo kaa kala daadinaya qorshe howleedka noloshaada.” 

Qore: Zaki Hiraale.
Kala xiriir: hiraal86@gmail.com