Warqad sir ah: Sirdoonka Maraykanka iyo kacaankii Somalia ee October 1969

Warqad uu Henry Kissinger, la taliyihii ammaanka ee Aqalka Cad uu u qoray Madaxweynihii Maraykanka Richard Nixon October 21, 1969. Waa saacado ka hor intuu uusan ciidanka af gembiga ku qabsan Soomaaliya October 21, 1969.

Warqadda uu Kissinger qoray oo cinwaankeedu yahay “Xog Madaxweyne : Waxyaabaha Ka Dhalan Kara Qaarijinta/Dilka Madaxweynaha Soomaaliya” oo uu ula jeeday Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AUN) waxay muujinaysaa in ciidanka Kacaanka ay ahaayeen rag aan marna sir ka bixin. Kissinger, oo markii dambe noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka wuxuu qoray:

“Xog kama heyno dilka madaxweyne Sharmaarke laakiin waxaa jira:

– Qabaa’ilo diidan qaabka ay dowladdii Cabdirashiid iyo Cigaal ula heshiinayaan Itoobiya, sidoo kale waxaa jira beelo ka carooday doorashadii Maarso dhacday, laakiin ninka madaxweynaha dilay waa sarkaal boolis ah oo iskiisa isu abaabulay.

– Ma fileyno in Ciidamada Xoogga ee diidan xasiloonida lala gaarayo Itoobiya ay af gembi ku kacaan. Dagaalka la filan karo keliya waa mid qabiil haddii ay soo baxdo in Sharmarke loo dilay arrimo qabiil, ee aan loo dilin arrimo siyaasadeed.

– Baarlamaanka wuxuu dooran doonnaa madaxweyne muddo 30 maalmood ah, dhammaan musharixiinta safka hore waa dad taageersan reer Galbeedka, marka waxay sii wadi doonnaan xiriirka naga la dhaxeeya, sidoo kale waxay heshiis Itoobiya kala gaari doonnaan muranka xudduuda.

Ra’iisul Wasaare Cigaal, oo aad toddobaadkii la soo dhaafay la kulantay, wuxuu haatan ka sii duulayaa California, asagoo ku noqonaya dalka, taas oo abuuraysa xaalad xasilooni guud”

Warqaddaan waxay caddeynaysaa in saraakiishii Kacaanka aan wax sir ah ka fakan. Saacado kadib ayay dalka qabsadeen, Cigaalna markuu yimid waa la xiray.

W/D: Hassan Adam Hosow