Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo saartay warqad lagu amraayo in lasoo qabto Agaasimihii hore Wasaaradda Warfaafinta ee shaqada laga joojiyay C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi.
Warqada ayaa la sheegay in ciidamada lagu faray in Agaasimihii hore la horkeeno Maxkamada, waxaana ku wehliya mas’uul kale oo magaciisa lagu sheegay Xasan Samar Cali.
Warqada ayaa waxaa qabashada Bahlaawi lagu amray Taliyaha Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Haddaba waxaa arrintaan haddana waraaq kasoo saaray Hanti Dhawraha Qaranka dowladda Soomaaliya Nuur Faarax Jimcaale kaasoo sheegay in Bahlaawi iyo agaasimayaashii kale ee xilka laga qaaday in la baaro musuq maasuqii lagu eedeeyey uu hor istaagay wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow kadib markii uu diiday inay xafiisyadooda tagaan si loo baaro waxa lagu eedeeyey.
wuxuu amray inay shaqadooda loo ogolaado si baaritaan loogu sameeyo, maadaama qof xafiiskiisa loo diiday aan baaritaan lagu sameyn karin, haddaba halkaan hoose ka aqriso waraaqda kasoo baxay Hanti Dhawraha Qaranka




