Hub iyo Rasaas farabadan oo lagu qabtay Dekeda Bosaso

Bosaso (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka Dekadda magaalada Bosaso ayaa gacanta ku dhigay Hub nooca fudud iyo Rasaas la doonaayay in si qarsoodi ah lagu galiyo gudaha magaalada.

Hubka iyo Rasaasta ayaa la sheegay in laga soo dhex saaray raashin iyo Baakado ay ku jireen timir, waxaana la qabtay xili ay ciidamadu ku guda jireen baritaanka bagaashka.

Sargaal ka tirsan Ciidamadda Turbataariyadda ee Dekadda ayaa sheegay in Hubka iyo Rasaasta ay aad u farabadan yihiin, waxa uuna intaa ku daray in gacanka lagu hayo ragii lahaa iyo kuwa waday.

Sargaalka waxa uu intaa raaciyay in Hubka iyo Rasaasta laga keenay dalka Yemen isla markaana ay u badan yihiin Bastoolado nooca kala duwan leh.

Sargaalka ayaa yiri ”Hubkan waxaa lagu soo qariyay Daasado caano-booro ah, baakado timid iyo kiishash timir ah, waxayna isugu jiraan Bastooladaha loo yaqaan Biljamka iyo nooca Dhabanacasta ah, waxaana wehliya Rasaas iyo qoryo fudud”

Dekadda Bosaso ayaa waxaa inta badan kasoo dega Hubka iyo Rasaas farabadan oo qaabab qarsoodi ah loogu dhex iibiyo deegaanada Puntland.

Dhinaca kale, Taliska Ciidamadda booliiska gobolka bari ayaan weli ka hadlin hubka la qabtay, tiradiisa iyo wax laga yeelayo.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
Caasimada@live.com