Xog: Xil ka qaadistii Bahlaawi oo lagu xalaaleesanayey lacag 2 Malyan oo la siin rabo warbaahinta dowladda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisow ayaa dhawaan xil ka qaadis ku sameeyey agaasimayaal ka tirsan wasaaradda Warfaafinta, waxaana kamid ahaa Agaasima Bahlaawe.

Haddaba Caasimadda Online ayaa soo ogaatay xog ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay in Bahlaawe laga qaado xilkaas oo uu ka dambeeyey wasiirkii hore ee warfaafinta Mustaf Dhuxulow.

Xogta ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegeyso in xil ka qaadistii lagu sameeyey Bahlaawe lagu xalaaleesanayey lacag 2 Malyan oo Dollar oo la filayo in dhawaan la siiyo warbaahinta dowladda ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka SNTV.

Mashruuca lacagtaan lagu bixinayo ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay (La dagaalanka argagixisada iyo wacyi gelinta bulshada) oo ah mashruuc ka bixi doono warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Waxaa mashruucaan bixin rabto safaaradda dowladda Mareekanka ee Soomaaliya, waxayna mashruucaan soo marsiineysaa Hey’adda IOM ee ka howgasho Soomaaliya.

Haddaba waxaa mashruucaan hunguri weyn ka galay wasiirkii hore ee warfaafinta Mustuf Dhuxulow oo Eng. Yariisow ku wargeliyey in Bahlaawe uu hore u hor istaagay mashruucaas, haddana uu saameyn weyn ku yeelan doono haddii uusan xilka ka qaadin, sidaasna ayuuna Eng. Yariisow xilka uga qaaday Agaasime Bahlaawi.

Mustaf Dhuxulow iyo Eng. Yariiow ayaa ah laba nin oo saaxiibo ah, waxayna qorsheenayaan inay musuq maasuqaan lacagta aadka u badan ee lagu bixin doono mashruuca aan kor kusoo xusnay.

Xil ka qaadista lagu sameeyey Bahlaawi ayaa saameyn weyn ku yeelatay wasaaradda Warfaafinta, waxaana waraaq soo saartay wasaaradda warfaafinta oo Bahlaawi looga mamnuucay inuu galo xafiiskiisii hore.

Sidoo kalana maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay waraaq ay ku amreyso in lasoo xiro Bahlaawe, dhanka kalana Hanti Dhawraha qaranka ayaa isna soo saaray waraaq kale oo uu Eng. Yariisow ku eedeeyey inuu is hor istaag ku sameeyey baaritaankii lagu sameyn lahaa musuq maasuqii lagu eedeeyey agaasimayaashii xilka laga qaaday ee wasaaradda Warfaafinta.

Wixii warar iyo xog ah ee kusoo kordha arrintaan waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Bosaso
Caasimada@live.com

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET