26.7 C
Mogadishu
Friday, May 16, 2025

Wasaarada Arrimaha Dibedda Mareykanka oo is-beddelo weyn lagu sameeyey (Aqriso)

Share

Washington (Caasimada Online) – Marco Rubio, diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka, ayaa Talaadadii shaaciyey qorshe dib-u-habeyn lagu sameynayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kaas oo lagu dhimayo shaqaalaha iyo xafiisyada u dooda xuquuqda aadanaha, isaga oo sheegay in wasaaraddu tahay “mid buuran oo aan la jaanqaadi karin siyaasadda maamulka.”

Rubio waxa uu qorshahan ku sifeeyay isbeddel ballaaran oo lagu sameynayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, taas oo muddo dheer bartilmaameed u ahayd siyaasiyiinta midigta fog ee Mareykanka. Si kastaba, hindisahan cusub ayaa ka fudud qorshayaashii hore ee la faafiyay — kuwaas oo qaarkood ku baaqayay in gabi ahaanba la baabi’iyo howlaha diblumaasiyadeed ee Afrika.

“Wasaaraddu waa mid buuran oo xad-dhaaf ah, mana awooddo inay si hufan u gudato doorkeeda diblomaasiyadeed ee muhiimka ah xilligan cusub ee tartanka quwadaha waaweyn,” ayuu yiri Rubio, isaga oo tusaale u soo qaatay loollanka Mareykanka iyo Shiinaha.

“Nidaamkan ballaaran waxa uu abuuray hannaan u janjeera afkaar siyaasadeed oo xagjir ah halkii uu diiradda saari lahaa danaha aasaasiga ah ee Mareykanka.”

Waaxda xuquuqda aadanaha oo la baabi’inayo

Mid ka mid ah isbeddelada ugu waaweyn ee qorshahani waa in la tirtiro waaxda qaabilsan “ammaanka rayidka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha.”

Shaqooyinka waaxdan ayaa lagu wareejin doonaa xafiis cusub oo loogu magac daray “Isku-duwidda Gargaarka Dibadda iyo Arrimaha Bani’aadannimada,” kaas oo la wareegi doona howlaha ay horay u fulin jirtay Hay’adda Gargaarka Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) — hay’ad si weyn loo wiiqay bilowgii maamulka Trump, iyadoo in ka badan 80% barnaamijyadeeda la baabi’iyay.

Xafiiskan cusub ayaa korjoogteyn doona waaxda cusub ee “Dimoqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadda Diinta,” taas oo beddelaysa waaxda hadda jirta ee “Dimoqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo Shaqaalaha,” oo horey uga shaqeysay u doodista xuquuqda shaqaalaha caalamka.

Maamuladii hore ee labada xisbi ee Mareykanka ayaa lahaa ergay gaar ah oo qaabilsan xorriyadda diinta, balse xilkaasi hadda waxa lagu midayn doonaa waaxaha cusub.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Substack, Rubio ayaa si adag u dhaliilay waaxdan, gaar ahaan dadaalladii lagu doonayay in lagu xaddido iibka hubka ee loo diro Israel sababo la xiriira arrimaha xuquuqda aadanaha.

“Waaxda Dimoqraadiyadda, Xuquuqda Aadanaha iyo Shaqaalaha waxay isu bedeshay madal ay adeegsadaan fallaagada bidixda si ay uga hawlgalaan olole ka dhan ah hoggaamiyeyaasha aan la jaanqaadin aragtidooda ‘woke’ ee dalalka Poland, Hungary iyo Brazil, isla markaana nacaybkooda Israel ugu beddelaan siyaasado dhab ah sida cunaqabataynta hubka,” ayuu Rubio ku qoray maqaalka.

‘Wiiqidda awoodda jilicsan ee Mareykanka’

Qorshahani waxa uu si rasmi ah u baabi’inayaa xilka ergayga gaarka ah ee cimilada, oo ahaa jago sare xilligii madaxweynihii hore Joe Biden.

Sidoo kale, waxa la xirayaa xafiiska dambiyada dagaalka, oo shaqadiisu ahayd diiwaangelinta tacaddiyada ay ciidamada Ruushka kula kacaan shacabka Ukraine.

Waxa kale oo la baabi’inayaa Xafiiska Howlgallada Xallinta Khilaafaadka iyo Xasillinta, kaas oo ka shaqeyn jiray sidii loo hor istaagi lahaa xasuuqa iyo dambiyada waaweyn ee caalamka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in xiritaanka xafiisyadani aysan micnaheedu ahayn in shaqooyinkooda la joojin doono, balse ay suuragal tahay in hawlahaasi lagu fuliyo si “ka hufan, dhaqso badan oo wax-ku-ool ah.”

Siyaasiyiinta xisbiga Dimoqraadiga ayaa Rubio, oo horey u ahaa senator, ku eedeeyay in qorshahan uu wiiqayo awoodda Mareykanka, isla markaana uu fursad siinayo Shiinaha, oo haatan hoggaanka u haya tirada safaaradaha caalamka.

“Isbeddeladan baaxadda leh kuma saabsana hagaajinta waaxda, balse waa qorshe lagu burburinayo awoodda jilicsan ee Mareykanka, oo ay ka mid tahay difaaca dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha ee caalamka,” ayuu yiri Wakiilka Gregory Meeks, oo ah xildhibaanka ugu sarreeya Dimoqraadiga ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiilada.

Brandon Wu, oo ka tirsan hay’adda ActionAid USA ee ka shaqeysa la dagaallanka saboolnimada, ayaa isna sheegay in qorshaha Rubio uu yahay “dagaal aan miisaan lahayn oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray siyaasadaha ‘woke’, balse aan ahayn qorshe sax ah oo dib-u-habeyn lagu sameynayo.”

Rubio waxa uu sidoo kale dib u faafiyay maqaal ka soo baxay bogga The Free Press oo sheegayay in tirada guud ee xafiisyada wasaaradda laga dhimayo 734 ilaa 602.

Qorshuhu waxa uu xusayaa in xoghayeyaasha hoose la farayo inay 30 maalmood gudahood keenaan qorshe lagu dhimi doono 15% shaqaalaha — tallaabo loo arko mid weyn balse ka yar heerarka dhimista ee hay’adaha kale ee federaalka.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in tiradaasi ay u muuqato mid “sax ah,” balse uu xusay in shaqooyin la baabi’in karo iyadoo aan dadka shaqada laga eryin.

“Ma jiri doonaan sawirro ama warar muujinaya dad alaabtooda ka qaadanaya xafiisyada maanta,” ayuu sarkaalkaasi u sheegay suxufiyiinta, isagoo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

- Advertisement -

Read more

Local News