26.7 C
Mogadishu
Friday, May 16, 2025

Daawo: Booliska Australia oo toogasho ku dilay wiil Soomaali ah iyo caro ka dhalatay

Share

Melbourne (Caasimada Online) – Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay xus ka dhacaygalbeedka magaalada Melbourne kadib markii boolisku toogasho ku dileen wiil Soomaali ah, habeenkii Khamiista ee xaafadda Footscray.

Ku dhowaad 200 oo qof ayaa isugu yimid waddada Nicholson ee bartamaha Footscray, iyaga oo sita boorar ay ku qoran yihiin “Nolosha madowgu waa muhiim” isla markaana dalbanaya in la helo taageero dheeraad ah oo dhinaca caafimaadka maskaxda ah.

Boolisku waxay toogasho ku dileen Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdifaatax Axmed, kadib markii lagu eedeeyay inuu mindi ku weeraray saraakiisha.

Berhan Ahmed, oo ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in deegaanka uu u baahan yahay taageero dhinaca caafimaadka maskaxda ah halkii boolis lagu soo diri lahaa.

“Ma aha inaan eedeyno dadka dhibbanayaasha ah, ee waa inaan taageerno,” ayuu yiri Mr. Ahmed. “Waxaa ceeb ah in [boolisku] ay adeegsadaan hub halkii ay naxariis iyo daryeel ka muujin lahaayeen.”

“Ceeb!” ayaa dadkii ka qaybgalay isu soo baxa ku celceliyeen.

Booliska ayaa sheegay in rabshad dhacday intii lagu guda jiray isu soo baxa, taasoo ay ku lug lahaayeen ilaa 30 qof oo dhalooyin ku tuuray saraakiisha.Cidna lama xirin, mana jirto cid ku dhaawacantay dhacdadaas, sida ay boolisku sheegeen.

Bulshada oo dalbatay tallaabo iyo wada-shaqeyn

Mr Ahmed, oo si shakhsi ah u yaqaanay Cabdifaatax, ayaa sheegay in marxuumku si joogto ah ugu imaan jiray xafiiskiisa si uu u helo gargaar.

“Run ahaantii, wuxuu ahaa nin akhlaaq leh,” ayuu yiri. “Dhallinyaradan waxay dhibbanayaal u yihiin nidaamka hay’adaha; waxay u baahan yihiin daaweyn dhimirka ah, halkaasoo dadkeennu ay si joogto ah uga harayaan waxbarashada sidii cayayaan lagu buufiyay.”

Mr Ahmed ayaa ku baaqay in booliska gobolka Victoria ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin bulshada si kalsooni dib loogu dhiso.

“Waa inaan dhisnaa kalsoonida u dhexeysa booliska iyo bulshada,” ayuu yiri. “Booliska waa inay kasbadaan ixtiraam si bulshada u dareento badbaado — laakiin hadda, dareen badbaado ma jiro.”

Hoggaamiyaha bulshada Soomaaliyeed, Farah Warsame, ayaa sheegay in dilka Cabdifaatax uu gilgilay bulshada Soomaalida ee deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray in hab-dhaqanka booliska uu dhaliyay “walaac weyn.”

“Wuxuu u baahnaa daryeel, naxariis iyo taageero — ma ahayn in lagu wajaho awood dilaa ah,” ayuu yiri Mr Warsame.

Wuxuu sidoo kale xusay in ay lama huraan tahay in baaritaanka boolisku ku wadaan dhacdada uu noqdo mid hufan oo daahfuran.

“Su’aasha weyn ee bulshada ay qabto waxay tahay: sababta aysan booliska Victoria u adeegsan wax kale oo badbaadin lahaa nolosha wiilkan dhalinyarada ah,” ayuu yiri Mr Warsame.

Booliska oo baaraya toogashada

Abaare 9:00 fiidnimo, 17-ka April, boolisku waxay sheegeen in saraakiil gaareen isgoyska waddooyinka Paisley iyo Albert ee Footscray, daqiiqado un kadib markii la soo wacay lambarka degdegga ah (000), si looga warbixiyo nin sita mindi.

Boolisku waxay sheegeen in ay ninka u sheegeen inuu hubka dhigo, balse ay toogteen kadib markii uu ku soo orday.

Afhayeen u hadlay booliska Victoria ayaa sheegay in dhacdadaasi ay halis gelin kartay nolosha dad badan oo ku sugnaa deegaanka.

“Nasiib darro, boolisku waxay wajahaan xaalad aad u kacsan oo halis sare leh, taasoo ku kalliftay inay go’aan istaraatiji ah ku gaaraan adeegsiga hubka dhowr ilbiriqsi gudaheed,” ayuu yiri afhayeenka.

“Waxaan si adag u diidnay eedeymaha sheegaya in dhacdadan ay salka ku hayso midab-takoor.”

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha aanay wadan taser, iyadoo kaliya 60% booliska safka hore ay haystaan qalabkan, taasoo qayb ka ah qorshe tartiib-tartiib ah oo la filayo in dhammaan saraakiisha safka hore la siiyo taser marka la gaaro Sebtembar 2026.

Booliska Victoria waxay xaqiijiyeen in baaritaan ay wadaan kooxda dambiyada dilalka (Homicide Squad), oo ay kormeerto hay’adda la xisaabtanka booliska (Professional Standards Command), uu weli socdo, saraakiishii dhacdada ku lug lahaydna ay fasax ku maqan yihiin.

Golaha deegaanka Maribyrnong City Council ayaa sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan hoggaamiyeyaasha bulshada Afrikaan-ka, ganacsatada maxalliga ah iyo hay’adaha adeegyada bulshada, si looga jawaabo dhacdadan.

“Waxaan weli ka go’an tahay in aan la shaqeyno hoggaamiyeyaasha bulshada annaga oo diiradda saaraya xal waara oo looga hortago caqabadaha bulshada iyo caafimaadka dhimirka ee saameynaya Footscray,” ayaa lagu yiri bayaan ay goluhu ku daabaceen baraha bulshada.

Waxay sidoo kale taageereen baaqa bulshada ee ku aaddan in la sameeyo baaritaan madax-bannaan oo ku saabsan geerida Cabdifaatax Axmed, si loo helo xaqiiq cad oo ku saabsan dhacdooyinkii horseeday toogashada.

- Advertisement -

Read more

Local News