Wasaarada maaliyada DF oo meelo qaldan u isticmaashay lacagta DF

Iyadoo ay dalka ka jiro dhibaato dhinaco dhaqaalaha ah ayaa waxaa hadana dhinaca kale jira musuq-maasuq baahsan oo ka taagan qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya. Wasaaradda Maaliyadda oo la rabay iney noqoto hormuudka dawlad wanaagga iyo hufnaanta ayaa laga sheegayaa iney lugaha kula jirto wax is dabamarin baahday.

Musuqa lagu eedeynayo Wasaaradda waxaa kamid ah ku takrifal hantida qaranka iyo in shaqsiyaad gaar ah ay si qaldan u isticmaalaan hantida dawladda, qaar  kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo la hadalnay ayaa sheegaya in Wasiir C/rixmaan Ducaale Bayle uu wado qeybo badan oo kamid ah musuqa la sheegayo.

Xogo ay heshay Caasimadda Online ayaa muujinaya qarashaad ku baxay meelo aan loogu talagalin iyo in dhaqaalihii dadka ka dhexeeyey loo adeegsanayo dano gaar ah, xili ay dawladdu ka cabanayso dhaqaalo la’aan.

Qaar kamid ah dadka wasiirku u qoray lacagaha xad dhaafka ah iyo meelaha ay ka kala shaqeeyaan hoos ka akhri

Magaca Wasaarada Musharkiisa Shaqaalah

Rayidka ah

Lacagta uu ka qaato Wasaarada Maaliyada
Dubad Nuur Arimaha Dibada 700 $ $ 4,000 
Liibaan Arimaha Dibada 700 $ $ 3,000 
Muntazia     $ 3,000 
Rowdo     $ 3,000 
Diraac Fagaase Xafiiska Raysal Wasaaraha 700 $ $ 2,000
Cabdalla Boos Arimaha Dibada 400 $ $ 1,000 
Mowliid Arimaha dibada 400 $  $ 700
Xasan Cade Arimaha Dabada 400 $  $ 500
Iyo qaar kale oo aan magacayadooda aan haynin

Wasaarada maaliyadda ayaa miisaaniyada ay gooni u leedahay tahay 600,000 $sanadkii, taas oo loogu tala galay gunooyinka ciidanka ilaalalada wasaaradda, qalab xafiiseedka, sahayda safarka dhamaan wasiirada iyo madaxda wasaaradda, dhamaan howlahaas waa in lagu maareeyo miisaaniyada wasaaradda mudo sanad ah waana $ 600,000

Wasiir Bayle kaliya ayaa isticmaalay lacag gaaraysa $ 542,704 dollar mudo 6 bilood ah, lacagta badankeeda ayaa ku baxday safaro, guryo kiradooda iyo qalabayntooda, gawaari uu gatay iyo kuwo uu dad u iibshay, gunooyin xaad dhaafa ah oo u qoray shaqaale mushahar qaata. Waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan see suurtagal ku tahay in lacag intaas le’eg la isticamaalo oo ka baxsan misaaniyadawasaaradda.

Xaggee ayuu haddaba lacagtaan ka isticmaalay wasiirku?

Waxaa jira xisaab furan oo la yiraahdo (Contingency) ama xalinta waxyaalaha deg degga uga dhaca dalka, sida masiiboyinka, abaaraha, qaraxyada iyo dhibka ay gaystaan, taakulaynta dadka jilicsan iyo munaasabadaha qaran, waxaa lacagtaas ka dhaxaysaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaa awood u leh in laga saaro accountiga ay ku jirto Reysal Wasaaraha iyo Wasiirka Maaliyadda, lacagta $ 542,704 ah oo uu isticmaalay wasiir Bayle kaligiis mudadaas yar waxaa laga soo saaray qaybta Contingency, waana khiyaano qaran in la isticmaalo lacag u dhaxaysa shacabka Soomaaliyeed.

Cadayn in lacagta intaas le eg ay ku baxday Wasiir Bayle

Lacagta ka baxaysa wasaarada waxay martaa Waaxda Miisaaniyada, Hanti dhowrka, xisaabiyaha guud, xooghayaha joogtada ah, iyo ugu danbayn Bangiga dhexe, waxaa xaqiiqa ah cid walba oo isku dayda inay baaritaan ku samayso in ay si fududu u heli karto cadaynta lacagta intaas le eg.

Dawladan dhalatay 8 Feebraury waxaa hal hayskeedu ahaa la dagaalanka musuq maasuqa iyo isla xisaabtanka, runtiina dadaal dhankaas ku aadan waa sameeyeen, lakiin waa in jawaab u helaan musuq maasuq intaan le eg oo uu ku dhaqaaqay wasiir Bayle oo marka uu hadalayo ku cel celiya wadaniyad, waxaa shacabka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad jawaab ka siisaan arinkaan, haddii kale dalkaani waa mashruuc sida uu ku heesay wasiir Bayle ee qof walba mashruuciisa ha fushado.

Qaar kamid ah dadka falan qeeya dhaqaalaha ayaa ugu baaqay Wasiirka Maaliyadda inuu cadeeyo dhaqaalahan faraha badan ee uu isticmaalay, si shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan in dowladdu ay wado isla xisaabtankii loo baahnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com