Xaaladda Sacuudiga oo kacsan: 11 amiir iyo wasiiro badan oo xabsi la dhigay

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in xalay ay xabsiga dhigtay bilyineerka caanka ah ee Amir Alwaleed bin Talaal, ugu yaraan 10 amiir oo kale, afar wasiir, iyo tobaneeyo wasiiro hore.

Xarigan ayaa waxaa looga dhawaaqay taleefishinka Sacuudiga ay leeyihiin ee Alcarabiya.

Xariga Amiir Alwaleed oo ka mid ah ragga ugu taajirsan dunida ayaa mowjado naxdin ah u diri doona suuqyada saamiyada dunida oo uu saamiyo badan ku leeyahay.

Alwaleed oo maamul shirkadda Kingdom Holding, islamarkaana ku jira liiska dadka ugu taajirsan dunida, ayaa waxa uu saamiyo ku leeyahay shirkado ay ka mid yihiin News Corp, Time Warner, Citigroup, Twitter, Apple, Motorola iyo kuwa kale oo dunida caan ka ah.

Xariga amiirada ayaa yimid saacado un kadib markii dowladda Sacuudiga ay ku dhawaaqday guddi cusub oo qaabilsan la dagaalanka musuq-maasuqa, hase yeeshee xarigan ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo awoodda dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan.

Ragga siyaasadda boqortooyada taxliilaya ayaa aaminsan inay suurta-gal tahay in dhowaan uu la wareegi rabo xilka boqorka aabihiisa, sidaas darteedna uu xabsiga sii dhigayo shaqsiyaadka ka horiman kara.

Wararka ka imanaya magaalada Riyadh ayaa sheegaya in hotelka Ritz Carlton ee magaalada caasimadda la baneeyey sabtidii, si xabsi loogu dhigo amiirada iyo wasiirada lasoo xiray.

Waxaa sidoo kale la xiray dhammaan garoomadii diyaaradaha ee gaarka loo lahaa, taasi oo muujineysa inay suurta-gal tahay in dad kale lasoo xiri doono.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com