Wasaaradda amniga oo soo rogtay amar ka dhan ah Madeira iyo terminal-ka MOVECON oo la xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya oo tixraaceyso warqadda tixraaceedu yahay Ref. OPM/0194/04/2022 ee ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ku amartay inay degenaanshaha kala noqoto Danjire Francisco Madeira islamarkaasna aan dib dambe loo siin waraaqaha dalku gal ka ah.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa hey’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha fartay inay go’aankaan ku wargeliso dhammaan cidda ay qusayso in Danjire Francisco Madeira dalka lakeeni karin maadaam uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Warqadda kasoo baxday wasaaradda Amniga ayaa waxaa lagu faraya  hay’adaha amniga, gaar ahaan kuwa ka hawlgala Garoonka Aden Cadde in Danjire Madeira aanu soo geli karin dalka maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin.

Ugu dambeyntii wasaaradda ayaa ku wargelisay islamarkaasna fartay Hey’adda socdaalka iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde in si ku meel gaar ah loo xiray dhammaan hawlahii terminal-ka MoveCon ilaa iyo amar dambe laga bilaabo 10/04/2022.

Amarka kasoo baxay wasaaradda ayaa yimid kadib markii Ururka Midowga Afrika uu ku gacan sayray go’aankii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryey wakiilka gaarka ah ee ururka u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa taas beddelkeeda sheegay inay qadanayaan go’aanka madaxweyne Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin Danjire Francisco Madeira, sidaas darteedna uu sii joogayo.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay wasaaradda Amniga