Somalia oo K/Sudan kala soo baxaysa muwaadiniinteeda uga xayiran

Muqdisho (Caasimada Online) Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa ka warbixisay qorshe ay ku dooneyso in ay ku so daad gureyso Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfurta Sudan oo muddo ka badan toddobaad ay ka socdaan dagaallo.

Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta dib ugu soo laabatay Muqdisho kaddib markii socdaal shaqo iyada wasiiradda arrimaha dibedda IGAD ay ku tageen Koonfurta Sudan ayaa sheegtay in waddamada gobalka kala hadashay siddii loo soo badbaadin lahaa Soomaalida ku go’doonsan dalkaas.

Waxay sheegtay intii ay joogtay Juba in ay kulamo gaar gaar ah la qaadatay lix wasiir oo ka tirsan IGAD kuwaasoo ay ka codsatay in Soomaalida ku xayiran dalkaas la soo badbaadiyo loona furo xuduudaha.”Waa ay iga oggoolaadaadeen” ayey tiri.

Wasiirka ayaa sheegtay in labo qof oo Soomaali ah ay ku dhinteen colaadda ka taagan dalka South Sudan isla markaana qof kale uu ku dhaawacmay.

Waxa ay sheegtay 10kun oo Soomaali ah in ay ku nool yihiin dalka Koonfurta Sudan kuwaasoo u badan ganacsato, waxaa kaloo ay sheegtay Marwo Fowsiyo in 120 qof oo Soomaali ah ay ku jiraan xero ay joogaan ciidamada Qaramada Midoobay.

Ugu dambeym wasiirka ayaa sheegtay in Soomaalida ku nool dalka Koonfurta Sudan ay yihiin kuwa isku xiran oo iska war qaba lana shaqeeya safaarada Soomaalida ee ku taalla Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com