QM oo war XASAASI ah maanta ka soo saartay doorashada PUNTLAND

Muqdisho (Caasimada Online) Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa mar kale ku baaqay in Puntland ay ka dhacdo doorasho macquul ah oo horseedi karta Puntland in ay yeelato nidaam maamul iyo mid baarlamaan marka 8-Janaayo sannadka dambe oo ah xilliga la qorsheeyay in ay dhacdo doorashada madaxweynnimada.

Danjire Kay ayaa u jeediyay musharraxiinta u tartamaya xilka madaxtinnimo ee Puntland iyo odayaasha dhaqanka inay si wada-jir ah u wada shaqeeyaan iyo inay u diyaargaroobaan sameynta tanaasullo adag.

Nicholas Kay wuxuu sheegay in howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu gacan ka geystay dhexdhexaadinta iyo dadaallada wada-xaajoodka, wuxuuna rajo ka muujiyay in dhammaan musharraxiinta ay ka go’an tahay qabsoomidda doorasho nabadgelyo ah oo xalaal ah.

Wuxuu ku boorriyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh doorashada Puntland inay wada-shaqeyn la yeeshaan taliyaha ciidanka Puntland, Jeneraal Saciid Maxamed Xirsi Dheere, oo mas’uul ka ah ammaanka doorashada, wuxuuna u jeediyay dhammaan musharraxiinta inay ololahaooda u fuliyaan qaab mas’uuliyadi ay ku dheehan tahay si loo taageero qabsoomidda doorasho nabad ah.

Wuxuu carrabka ku adeeyay inay muhiim tahay xaqiijinta ammaanka musharraxiinta, inay si xor ah u sameyn karaan ololehooda doorashada, ayna si siman u isticmaali karaan warbaahinta.

Ugu dambeyn Danjire Kay wuxuu sheegay inuu si dhow ula socon doono sida ay wax uga dhacayaan Puntland xilligan lagu jiro doorashada, isagoo sheegay inuu sameyn doono dadaal kasta oo uu ku taageerayo Puntland inay ka dhacdo doorasho nabdoon oo xor ah.

Si kastaba, hadalka Kay ayaa ku soo aadaya iyadoo habeenkii xaley la sheegay in mid ka mid ah musharrixiinta Puntland lagu weerarray gurgiisa, waa weerarkii labaad oo lagu qaado musharrixiinta kuwaasoo ay ku qaadeen ilaalada madaxweynaha Puntland sida la sheegay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com