Wasaaradda awqaafta iyo diinta oo ku dhawaaqday qiimaha xajka ee sanadkan

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday qiimaha sanadkaan ay ku xajin doonaan xujeeda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gudaha wadanka.

Muddo bilooyin ah ayey soo socotay muranka ku aadan qiimo dhimis lagu sameyn doono lacagta lagu xajinayo sanadkaan, balse ugu dambeyn go’aan ayaa laga gaaray kadib markii ay heshiisyeen dowladda iyo Shirkadaha heysto qandaraaska Xajka.

Haddaba  Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sanadkan qiimaha xajka noqon doono $3,300 (Saddex kun, sadex boqol Doolar).

Lacagtaan ayaa waxay ka kooban tahay dhammaan adeegyada kala duwan sida degaanka, Gaadiidka, Nolosha 6-da maalmood xajka, Fiisaha, Diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod iyo qarashaadka adeegyada kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa arrintaan kala heshiisay shirkadaha kala ah

Shirkadda Jubba Airways

Shirkadda Ocean Airways

Shirkadda Daalo Airlines

Shirkadda African Express

Shirkadda Freedom Airlines

Waxa la caddeeyay in Soo saaridda viisooyinka xajka ay mas’uuliyadeeda leedahay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyada oo heshiis arrintaas kala saxiixan doonto shirkadaha

Shirkadaha aaa lagu wargeliyay in ay la soo xiriiraan wasaaradda laga bilaabo 16-5, 2018-21-05-2018, iyada oo ciddii ka dib dhacdo laga qaadan doono go’aan ku haboon.

Lama oga sida go’aankan u dhaqan geli doono, inkastoo aan wax badan laga dhimin qiimaja xajka, haddana shirkadda Jubba oo hore u heysatay Xajka iyadoo qeyb ka siisa Shirkadda kale ee Daallo oo ay mar midoobeen ayaan la ogeyn sida ay uga jawaab celin doonto arrintan.

Inkastoo qiimo dhimista la sameeyey aysan noqon sidii la filayey, haddana waxaa muuqato in lasoo yareeyey xoogaa yar taasoo noqon karta tallaabo bilow ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com