Wasaaradda Dekadaha XFS oo sheegtay in uu sharci darro yahay heshiiska Dekadda Berbera, digniina bixisay

Muqdisho (Caasimada Online)- Warsaxaafadeed ay soosaartay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta oo jimce ah taariikhuduna tahay 2 Maarso 2018,  ayey ku sheegtay wasaaraddu in aysan waxba kala socon heshiis lagu baahiyey warbaahinta kaas oo kusaabsan dekadda Berbera una dhaxeeya Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.

Heshiiskan ayaa waxa uu qorayaa sida ay sheegtay Wasaaradda Dekadaha oo xiganeysa warbaahinta, in Shirkadda DP World ay yeelaneyso saami dhan 51% , Soomaaliland in  ay yeelaneyso 30% halka Itoobiyana ay yeelaneyso 19%.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda oo ka kooban seddax qodob ayaa lagu caddeeyey in Dowladda Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn, cidna aysan u wakiilan in heshiis lala sixiido Shirkadda DP Worl, sidoo kale Wasaaradda ayaa intaas raacisay in heshiiskaas uu lid ku yahay midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Qodobka seddaxaad ee warsaxaafadedka ayaa sidoo kale sheegaya in heshiiskaas uu yahay mid aan waafaqsaneyn Dastuurka kumeel gaarka ah iyo Shuruucda kale ee u yaala Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa warsaxaafadeedkeeda kusoo kusoo gabagabeysay in uu waxba kama jiraan yahay heshiiskaas, iyada oo digniin siisay cid kasta oo gasha ama ku howlan heshiiis baal marsan sharciga dalka iyo kuwa Caalamiga ah.

Ugu dambeyna Wasaaradda Dekaduhu waxa ay sheegtay in ay soodhaweynayso cid kasta oo doonaysa in ay maalgashi ku sameyso kheyraadka dalka iyada oo mareysa Sharciga dalka lana xiriireysa hey’adda awooda u leh go’aamada heshiisyada ee Xukuumadda iyo Baarlamaanka.