Kheyre soo daqiiqado ka dib shir Jaraa’id ku qaban doono Muqdisho iyo Xukuumadiisa oo heshiiska Berbera u aqoonsatay inuu..

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa  soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kadib safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa inuu Daqiiqadaha soo socdo saxaafadda uga warbixiyey heshiiska Dakadda Berbera.

Sida ay Caasimadda Online xogta ku heleyso Ra’isulwasaare Kheyre ayaa sharci darro ku tilmaami doono heshiiskaas dowladda Imaaraadka loogu wareejiyey Dakadda Berbera iyo Saamiga dowladda Itoobiya laga siiyey.

Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu heshiiskaas wax kama jiraan kasoo qaado isla markaasna aysan Xukuumadiisa raali ka aheyn sidoo kalana uusan isaga waxba kala socon.

Heshiiskan oo Shalay ka dhacay magaalada Abu Dhabi ayaa DP World waxa ay yeelaneysaa maalgashiga dekedda Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30%; Itoobiya ayaa oo DP World u aqoonsatay heshiiska ka noqoto dhinac Istiraatiijia ah, iyadoo la siiyay saami gaaraya 19%; iyada oo Itoobiya maalgashan doonto dhismaha muhiimka u ah dekedda Berbera.

Guddoomiyha Shirkadda DP-World Axmed Bin Suleymaan ayaa ku sheegay heshiiska u dhexeeya shirkaddiisa DP-Worl, Somaliland iyo Itoobiya mid waxtar leh, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay hirgelinta fursad ay kuwada shaqeeyaan Itoobiya oo ku sheegay in ay tahay waddanka 110; milyan oo dad ah.

Shirkiisa Jaraa’id iyo waxyaabaha uu kaga hadlo oo dhameystiran waan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com