Wasaaradda waxbarashada oo qaadeyso tallaabo culus iyo Jaamacado la xirayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaraddeeda waxbarashada ayaa shaacisay in diyaarisay nidaam gaar ah oo loogu tala-galay in la marsiiyo jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka, si loo hubiyo xagga  tayadooda.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) oo ka hadlayey arrimaha waxbarashada ayaa sheegay in nidaamka ay diyaariyeen ka wasaarad ahaan ay dhowaan gaarsiin doonaan jaamacadaha, ka hor doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay xirmi jaamacadaha qaar, gaar ahaan kuwa aan buuxin nidaamkaas iyo shuruudaha ay dajisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Waan wadnaa howsha jaamacadaha, ayaan dhaweed waxa aan sameynay ma dhisan yihiin nidaam ahaan waad aragteen waxa qaylo ka daba-dhacayay, kahor doorashada waxa aan qaybineynaa nidaam aan u diyaarinay Jaamacadaha oo jaamacaddii buuxin weysay waan xireynaa oo ma sii shaqeyn doonaan” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Cabdullaahi Carab ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in muhiimaddu ay tahay in ardayda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho heer sare ah, isla-markaana tayo leh.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda jaamacadaha dalka inay ku dadaallaan tayada casharada iyo horumarinta maadooyinka ay dhigaan, si ay ardayda uga faa’iideystaan.

Horey dowladda Soomaaliya ayaa u shaacisay jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka ee aqoonsan tahay, waxaana ay soo saartay liiska jaamacadaasi oo ay ku qiimeyso nidaam ahaan xagga dhismaha, haatana waxa ay ka fakireyso dhanka tayada ee waxbarashada.