Qorshihii uu Uhuru Kenyatta ku noqon lahaa ra’iisul wasaare oo fashil la kulmay

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Kenya ayaa diiday qorshe ay dowladda ku dooneysay inay isbeddel ku sameyso dastuurka, taasi oo dhabarjab weyn ku ah madaxweyne Uhuru Kenyatta oo billaabay hindisahan muranka badan dhaliyey. 

Guddi ka kooban toddoba garsoore ayaa ayiday go’aan horey oo ay gaartay maxkamad kale, oo sharci-darro ku tilmaamtay hindisaha, go’aankan oo beddeli doona saaxadda siyaasadda Kenya, wax kayar hal sano kahor inta aan loo dareerin goobaha codbixinta.

Kenyatta ayaa ku dooday in hindisahan uu siyaasadda dalka ka dhigi lahaa mid loo dhan yahay, uuna soo geba-gebeyn lahaa rabshadaha doorasho ee dalka kusoo noqnoqday.

Madaxweynaha Maxkamadda Danile Musinga ayaa go’aankan soo saaray kadib kulan qaatay 10 saac oo toos looga daawanayey taleefishinka.

“Isbeddel dastuuri ah waxaa billaabi kara kaliya baarlamanka, ama hindise cod dadweyne,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in Kenyatta maxkamada madani ah lagula kori karo billaabidda hindisaha.

Hindisaha lasoo jeediyey ayaa yimid kadib heshiis ay galeen Kenyatta iyo mucaaradkiisa muddada fog Raila Odinga.

Hindisahan oo loogu yeeray BBI, wuxuu dib u qaabeyn ku sameyn lahaa hanaanka doorasho ee iminka oo ah, in cidda ugu codadadka badan ay qaadato xilka uga sarreeya dalka, wuxuuna awoodda baarlamanka iyo tan fulinta ka dhigi lahaa mid siman. Wuxuu sidoo kale abuuri lahaa jagada ra’iisul wasaaraha.

Dadka dhalleeceeya qorshahan ayaa ku macneeyey mid Kenyatta, oo aan u ordi karin doorashada madaxweyne ee dhaceysa 9-ka August 2022, maadaama uu dhameystay labadiisa muddo xileed, u ogolaaneysa inuu xilka sii hayo isaga oo abuuraya jagada ra’iisul wasaraaha.

Go’aanka Jimcihii soo baxay ayaa ogolaanaya in hanaanka doorashada dalka uu ku socdo jadwalkii loo dejiyey, haddii aan kiiska loo qaadin maxkamadda Sare ee dalka.

Hase yeeshee hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka ayey u badan tahay inay dib uga fakaraan hindisaha, si ay isbaheysiyo siyaasadeed u dhisaan kahor doorashada sanadka dambe, maadaama waqtigu gabaabsi yahay.