Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo ku dhowaaqday go’aan xasaasi ah (Aqriso)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay soo saartey go’aano ku saabsan dhinaca Waxbarashada, loogana hortagayo Cudurka Coronavirus.

War-Saxaafadeed kasoo baxey Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu shaaciyey qodobo ay kamid yihiin in la joojiyey bixinta Cashirada Dugsiyada Sare ee Sanad dugsiyeedka 2019/2020.

Wasaaradda ayaa sheegtay in arday kasta loo qiimeyn doono heerka uu cashirada ka marayey markii ay wasaaradda Waxbarashada ku dhawaaqday in la hakiyey waxbarashada oo ku beegneyd 19 Bishii hore.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in ardayda ay u fadhiisan doonaan imtixaanka dugsiyada sare, iyadana ay soo gudbin doonto waqtiga iyo qaabka uu noqon doono imtixaanka.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada