Sawirro: Koox dhibaato ka wadday MUQDISHO oo gacanta lagu soo dhigay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka degmada Wadajir iyo taliska Booliska degmadaas ayaa waxaa ay sameeyeen howlgallo lagu soo qabqabtey kooxo la sheegay inay khalqal amni ku haayeen degmadaas.

Guddoomiyaha Degmada iyo Taliyaha Saldhigga oo hoggaaminayey howlgalkaas ayaa waxaa lagu soo qabtay illaa 7 dhallinyaro ah oo ku hubeysnaa Mindiyo iyo Baangado.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa sheegay in raggaan ku hubeysnaa Mindiyaha iyo baangadaha ay degmada ku hayeen khalqal amni, isla markaana laga soo dacwoodey.

Raggaan lagu eedeeyey inay amniga liddi ku yihiin ayaa waxaa lagu wareejiyey xeer ilaaliyaha Qaranka, iyadoo la filayo in dhawaan lasoo taago Maxkamad.

Ugu dambeyntii  Guddoomiyaha ayaa fariin digniin ah u diray dhalinyarada ku hubeysan Mindiyaha iyo Baangadaha Ee Amniga Rabshadaha ku wada In la marsiin doono Sharciga.